Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Maxammed Siciid Axmed on March 12, 2015, 08:20:54 PM

Title: Su'aal: Maxaa lagu daawayn karaa sanboorka?
Post by: Maxammed Siciid Axmed on March 12, 2015, 08:20:54 PM
dhamaan marka hore waxaan salaamayaaa dhakhaatiirta ku midawday web kan faa'iidada badan
waxaan qabaa xanuunka sanboorka la yiraahdo oo mararka qarkood haLis igu noqda astaamaha aan dareemo wxaa ka mid ah
1 cubudh sanka oo i xidhma
2 indhaha oo i xanuuna cun cunnbay sameeyaan wayna i casaadaan
3 dhegahaguna sidoo kale way  i xanuuna cunn cunnbay iyaguna leeyihiin
4 hindhiso joogto ah
 
hadii anan si deg deg ah daawooyin c cunin sida daawooyinka cun cunka baa bi'ya xanuunkaasi igama ba'yo wax ma barankaro
marka  maxaan qaadi karaaa maxaanse ku daawayn karaa
mahadsanidin
SOOMAALI MEDICAL FORUM
Title: Re: Su'aal: Maxaa lagu daawayn karaa sanboorka?
Post by: SomaliDoc on March 14, 2015, 12:43:49 PM
Sanboorka waa nooc ka mid xajiinta ama allerji-ga, calaamadaha aad tilmaantay oo idilna wuu leeyahay, ma ahan xanuun laga bogsado, laakiin waxaa jiro daawooyin sanboorka dajiya ama yareeya astaamihiisa, taasoo qofka uu la qabsan karo hadduu in muddo ah isticmaalo.

Haddii ay jiraan wax samboorka kugu kicinayo aad isticmaashid sida barafuunada qaar, uunsiga iyo waxyaabo kalaba waa in aad ka fogaatid si uu kaaga yaraado, haddii kale wuu kugu soo laalaabanayaa haddii aad daawo isticmaashid xittaa.

Fadlan halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan Sanboorka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1796.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1796.0.html)
Halkaane ka akhriso qoraal ku saabsan Allerjiyada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,532.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,532.0.html)
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan caabuqa sanqada ee "Sinusitis" oo lagu qaldo Sanboorka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5636.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5636.0.html)

La xiriir takhtarkaaga si uu kaaga caawiyo Sanboorka.