Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: Faaruuq on October 07, 2014, 01:32:23 AM

Title: Immunology | Hab dhiska difaaca
Post by: Faaruuq on October 07, 2014, 01:32:23 AM
Immunology| habka difaaca jidhka
Waxaan isku dayi doona inan halkan kuso qoro maqaalo gaa gaaban oo ka hadlaya immunology ( maadada hab dhiska difaaca)

Habdhiska difaacu wuxuu inaga ilaaliyaa pathogens-ka AMA cudur sababaha. Kaa soo dalooliya AMA dhexgala jidhka, Iyo oogada mucous membranes-ka ku waaso ku xeeran, Hab dhiska cunto shiidka (digestive system), habdhiska neefta (respiratory  system), Iyo habdhiska taranka (Reproductive System).

Waxaa loo kala qaybiyaa Innate (habdhiska difaaca ee nooluhu kudhasho) iyo Adaptive (hab dhiska difaaca ee nooluhu helo ka dib dhalashadiisa)  Hababkani waxay ka kooban yihiin unugyo (cells) Iyo habdhiska farriimaha (signalling systems).
Waxaan kaga hadli doonaa qormada  koowad hababka Unugyada laxidhiidha innate-ka Iyo adaptive-ka. Qormada labaad waxaan ku eegi doona signaling systems kaaso ay unugyada difaaca Iyo dexdhexaadiya yaadhoodu ay wada shaqeeyaan. Wixii ka danbeeyana waxaan isku dayi doona inan si qoto leh u eegno wax yaaba muhiim ka ah marka laga hadlayo immunology.