Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: SomaliDoc on March 24, 2011, 06:20:25 PM

Title: Infakshanka / Caabuqa Kaadi Mareenka (Urinary Tract Infection)
Post by: SomaliDoc on March 24, 2011, 06:20:25 PM
(http://somalidoc.com/Topics/kaadimareen.png)

Cudurka caabuqa kaadi mareenka, oo loo yaqaanno Urnary Tract Infection (UTI), waa cudurka kaadi haysta ama kelyaha.

Maxaa keeno caabuqa kaadi-mareenka?
Caabuqa kaad mareenka waxaa laga yaabaa iney keenaan jeermisyada ka yimaada:
# Kaadi ku harta kaadi haystaada marka aad kaadiso ka dib
# Xannibaad kellida ka dhex jirta ama dhagxaan kellida gala
# Lur ka yimaada suun isku dhuujin, nigis layloon ah ama galmo
# Nadaafad darro
# Tubbo la is geliyo / Kateetar (Catheter) si ay kaadida u soo saarto.
# Saxaro gaartay cawradaada.

Waa maxay caalamadaha lagu garto?
# Gubasho ama xanuun marka la kaadinayo
# Qandho leh qarqaryo ama dhaxan.
# Kaadi badnaan ama si lama filaan ah qofka u qabato.
# Kaadi dhiig leh, daruur oo kale ah, ama ur xooggan leh.
# Xanuun dhabarka qaybta hoose ah iyo daqnasho bisqenlayda ah.
# Daal dareemid ama jirrasho

Sidee loo baaraa?
Takhtarkaagu wuxuu kuu diri doonaa baaris kaadi, kadb waxaa la ogaan karaa in infekshan ku hayo iyo heerka uu gaarsiisan yahay, marmarka qaar, waxaa dhici karto in takhtarkaagu kuu diro beeris kaadi si loo ogaado, infakshanka bakteeriyada kuu keentay nooceeda iyo daawada wax ka tari karta. (badanaa waxaa midaan dambe la sameeyaa markii caabuqa kaadi mareenka uu kaa bxi diido ama kugu soo laalaabto).

Sidee loo daaweeyaa?
Takhtarkaaga u sheeg calaamadahaaga. Daaweyntaada waxaa ka mid noqon kara:
# Cabidda ugu yaraan 8 koob oo biyo ah maalin kasta.
# Ka fogaanshada cabitaannada kafeyiintu ku jirto, sida qaxwada, shaaha iyo cabitaannada fudud.
# Antibiyootik qaadasho. Antibiyootikada oo dhan u qaado sida lagu amray ilaa ay dhaladu ka dhammaato. Haddii aadan daawada oo dhan wada qaadannin, cudurku wuu kugu soo noqon karaa ama wuu ka sii dari karaa.

Siyaabahee looga Hortagi karaa?
# Nadiifi cawradaada.
# Kaadi haystaada faaruqi dhowrkii saacadood ee kasta xataa haddii aadan dareensaneyn iney buuxdo.
# Haweeenku waa iney mar walba cawradooda biyaha horey ka soo raaciyaan oo gadaal u raaciyaan markay musqusha aadaan ka dib.
# Bannee kaadi haystaada galmada ka hor iyo ka dib.
# Xiro nigis suuf ah iyo surwaal dabacsan.
# Cab 8-10 koob oo cabitaan ah maalintiiba. Ku darso cabitaannada ay ku badan Fitamiin C, sida burtuqaalka ama casiirka karamberriga.
# Ka fogow aalkolo iyo cuntooyin iyo cabitaanno kaafeyn leh.

Aad takhtarkaaga haddii:
# Aad isku aragto calaamadaha caabuqa kaadi-mareenka kor ku xusan.
# Aad isku aragto lalabbo ama matagid.
# Aad isku aragto dhabar xanuun (wareeg xanuun)
# Ay dhibaato kaa haysato daawooyinkaaga
# Aadan daaweynta kaga soo raynin muddo 48 saacadood ama calaamadahaagu ay kaga sii daraan 24 saacadood.

Akhriso: Caabuqa Kaadiheysta Ee Arooska: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6468.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6468.0)
Haddii aad qabtid su'aalo caafimaad iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)