Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Laabta on March 31, 2012, 11:33:42 PM

Title: Su'aal: Dawada lo qato in cayilka lagu hakiyo?
Post by: Laabta on March 31, 2012, 11:33:42 PM
Waan ku salamay dr waxan rabay inaad ii fahfahiso dawada loo cuno in lagu catowo ama cayilka lagu hakiyo wax dhibato ah miye leyihin mise ma iska is ticmali kara ano an lii qorin.
Waxa tarkoda iyo wax yeladoda keba badan hadase makala fican yihin kuwese ugu wanagsan mahadsanid wacinadada
Title: Re: Su'aal: Dawada lo qato in cayilka lagu hakiyo?
Post by: Dr.Adnan on April 03, 2012, 09:25:23 PM
Cayilka (Overweight) ama Cayilka xad dhaafka ah (Obesity), Waa leeyahay Dawooyin laakiin maaha Qaar badiyaa wax kuu taraya hadii aadan la iman go'aanka ah inaad iska dhinto misaankaada. (Motivation)
Xusuusnaw In cayilka xad dhaafka ahi horseedo cudurada Wadnaha iyo kuwa neefsashada, Khatar joogto ahna ku yahay caafimaadkaaga guud ahaaneed.
Hadaba Talaabooyinka Soo socda ayaa lagaa rabaa inaad qaado si aad u dhinto miisaankaada.

1- Diet (Maaraynta Cunnada)
[/list

2-Exercise(Jimicsiga)
Jimiciyada dhakhaatiirtu ku taliyaan waxa laga bilaabaa kuwooga fudud sida
*Talaabada (Brisk walking) 3.5 saacadood usbuuc walba (30-60 minutes maalin kasta)
*Dabaasha (Swimming)
*Beer-falista(Gardening)
Hadii aad tahay qof dhalinyaro Gym is qor oo ku dadaal Jimicsiyada fudud (Aerobics) sida Orodka.

Laakiin maadaama aad qof muslim ah tahay, Ku dadaal soonka Naafilada ah. Sidoo kale Xadiiskii ahaa
??? ??? ?? ???? ??? ???? ???? ????? ?? ????


Daawaynta (Medications)


Ilaa imika Hal daawo ayaa jirta oo loo ogolyahay in oo la yidhaa (Orlistat "Xenical") Laakiin...
Daawada waxa ay leedahay dhibaatooyin fara badan, oo ka daran kuwa cayilka laftooda, dhaqtar la'aantiina ma kuma talinayo inaad isticmaasho, inta badan iyada wax laba bilood ka badan ma isticmaalaysid.

Daawo kale ayaa jirta "Reductil" Laakiin Hadda dunida inteeda badan waa ka mamnuuc waayo waxay sababtay dhimashooyin farabadan. Iska jir inaad ka iibsato suuqa madaw....

Gunaanadkii, Daawooyinka adeegsigooda dhibtooda ayaa ka badan dheeftooda, Habka ugu haboon ee loo dhimo miisaanka uu yahay Maaraynta Raashinka iyo Jimicsiga, Waxaas oo dhanna waxa ka horeysa, Rabitaanka Qofka iyo dadaalkiisa....


[/list]
Title: Re: Su'aal: Dawada lo qato in cayilka lagu hakiyo?
Post by: Abdi M Abdi on April 04, 2012, 08:05:50 AM
Masha allah Dr. Adnan wad ku mahadsantahay, waxan raba inad i sheegto cunooyinka leh Low-carbohydrateka, kuwa leh High fiber, iyo monounsaturated fats kuway ku jiraan, si aan deitka u badalo.. cunooyinkee ku yaraynaynaa calorie intake,
Title: Re: Su'aal: Dawada lo qato in cayilka lagu hakiyo?
Post by: SomaliDoc on April 06, 2012, 01:40:31 AM
Halkaan ka akhriso talooyinka ku aadan cunnada aad cunayso iyo kuwa aad ka fogaanayso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3014.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3014.0.html)
Title: Re: Su'aal: Dawada lo qato in cayilka lagu hakiyo?
Post by: Laabta on April 12, 2012, 02:48:22 AM
Gym ka ama socodka la sameyo midkee wax qabadkisa wanagsan yahay oo misanka lagu dhimi kara tankale waxan nahay afrikan waxan caan ku nahay dabo wayn iyo calol wayn ayadana see ugu fudud oo lagu yarn karaa?
Title: Re: Su'aal: Dawada lo qato in cayilka lagu hakiyo?
Post by: SomaliDoc on May 19, 2012, 12:19:00 PM
Haddii aad awoodid in maalin kasto aad socotid, cunnadaada ay isku dheelli tiran tahay waa Ok, laakiin haddii aadan socod badnayn oo shaqada ama iskuulka aad gaari u raacdid, waa in aad gym gashaa si aad u jimicsatid.

Caloosha iyo dabada waxay ku timid baruur fadhiisatay, haddii aad jimicsiga aad joogteyso way shiilmaysaa baruurtaas, laakiin ma jiro jimicsi gooni ah oo caloosha ama barida loogu tala galay. (hana ku qaldin jimicsiga lagu adkeeyo murqaha caloosha ama dabada)
Title: Re: Su'aal: Dawada lo qato in cayilka lagu hakiyo?
Post by: Laabta on May 28, 2012, 11:43:02 PM
DR 1...hadii an sameyo jimicsiga murqahah calosha lagu dhiso  ma laga yaba inaay caloshas aysan yaranin ama ayasan baruurta dhamanin oo ay saas ku adkaato ileen jimicsigaan wuxu dhisa murqahah malaga yaba inaay calosha sideda iska ahato.
2... anigoo hilibkega ama barurteda jirka ay badan tahay hadan biro badan qabo markan gymka tago sidaas misanka maku lumin kara mise birahas waxba isma soo kordhinayan waxna ima dhimayan myane
mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Dawada lo qato in cayilka lagu hakiyo?
Post by: SomaliDoc on June 04, 2012, 08:51:46 PM
Fikrada jimicsiga maahan kaliya murqo dhisid ee waa in jirkaaga dufanta ku jirto la dhalaaliyo si energy uga dhigatid, haddii jimicsi aad samayso, xeyrta way kaa yaraanaysaa.