Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Noor Awdol on August 04, 2015, 06:22:24 PM

Title: Su'aal: Labadayda indhood way kala yaryihiin?
Post by: Noor Awdol on August 04, 2015, 06:22:24 PM
Asc Dr suaal labadayda indhood isku size cabir ayay ahaayeen mudo 9 bilood lagajoogo. Ayay kalayaraadeen mida bidixda ah ayaa iyaraatay wax xanuun ahna kamadareemayo laakin samboor xun ayaan leeyahay maxaa sababay mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Labadayda indhood way kala yaryihiin?
Post by: SomaliDoc on August 06, 2015, 02:29:59 PM
Indhaha siyaabo badan ayay ugu ekaan karaan in ay kala wayn yihiin ama mid ka mid ah in ay yar tahay, sidaas awgeed waa in aad takhtar indho aragtid si indhaha lagaaga baaro.
Waxaa dhici karto in isha kale ay bararan tahay oo wax yaraaday aysan jirin
Waxaa dhici karto in cillad murqaha isha ku hareeraysan uu ka jiro sidaas ay ugu egtahay in ay yaraatay.
Waxaa kaloo dhici kara in isha laftirkeeda ay jiran oo ay aruurtay.

marka si loo kala ogaado, fadlan arag takhtar indhaha ku taqasusay.