Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Anwar on June 28, 2011, 10:59:18 PM

Title: Su'aal: Maxaa keeni karo shahwada oo dhaqsi ka imaata qofka?
Post by: Anwar on June 28, 2011, 10:59:18 PM
Asc all salaan dabadeeyd waxaan idin weeydiinaa walaalo yaal maxaa keeeni karo shahwada in eey dhaqsi kaa imaato in ka yar 1 daqiiqo  wax walboo aad sameeyso teeda kale waan la kulmay dhaqaatiir badan waxna weey ka sheegi wayeen shalay ayaa ugu danbeeysay oo dhaqtar qaas ah qaabilsan qalmada wuxuuna isoo qoray kaniin uu igu dhahay baroobeey kaniinka magaciisana waa saan (Sertralin)waana ka baqay in aan baroobeeyo sidaas darteeyd aan u goaansaday in aan idin weeydiiyo dhamaan dadkoo dhan qaas ahaan dhaqaatiirta,, jawaabtiina waa ii muhiim  Mahadsanidiin.
Title: Re: Su'aal: Maxaa keeni karo shahwada oo dhaqsi ka imaata qofka?
Post by: SomaliDoc on June 29, 2011, 09:07:20 PM
Halkaan ka akhriso qoraal ka jawaabaya su'aasha "biyo-bax degdeg ah": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2121.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2121.0.html)

Daawada "Sertraline" waa daawo lidka diiqada iyo welwelka, maadaama diiqada iyo niyad jabka "Depression" uu ka mid yahay cudurrada keena howlgabka kacsiga sida biyo-baxa degdeggga ah ayuu takhtarka kuugu qoray.

Cilladaha kale oo maskaxda ku dhaca oo lagu daaweeyo daawadaan ayaa waxaa ka mid ah: Cabsida, Argagaxa, Buufiska iyo Cillada madaxa ku taagan.

Haddii takhtarka kugula taliyay in aad qaadato daawadaan uu yahay takhtar aqoon u leh xanuunkaaga, waxaa habboon in aad taladiisa qaadato.
Title: Re: Su'aal: Maxaa keeni karo shahwada oo dhaqsi ka imaata qofka?
Post by: Kichwa on July 01, 2011, 08:43:43 AM
aniga waxaan ahay nin da'diisu tahay 36 5 carruur ahna haaysta. dhibkeeyga waxaa weeye xilliga galmada oo biyaha ay deg deg igaga yimaadaan iyo kacsigeeyga oo liita; wax xanuun ahna ma qabo ama dhibaatooyin kale oo sababi kara, marka maxaa isku daaweyn karaa? maanta June 30, 2011 ayaan urologist kii iigu danbeeyay aan ka imi oo uu igu yiri kaniinigaan qaado oo loo isticmaalo 2 siyaabood oo kala wax ka qabasho xagga biyo baxa deg degga ah iyo anti-depresent laakin weli maanan isticmaalin maadaama ay xaaskeeygu maqan tahay hadda.
Title: Re: Su'aal: Maxaa keeni karo shahwada oo dhaqsi ka imaata qofka?
Post by: SomaliDoc on July 10, 2011, 08:10:55 PM
Nala socodsii haddii is badal caafimaad aad ku dareentid kaniinigaan, lana xiriir takhtarka howshaada gacanta ku hayo.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.