Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Africa on February 19, 2013, 12:06:59 PM

Title: Su'aal: Maxay tahay saliida lala isticmaalo kondomka?
Post by: Africa on February 19, 2013, 12:06:59 PM
a/s/c salan ka dib DR. ad iyo ad baan kugu bogaadinayaa shaqadaan wanaagsan ee aad u haysaan bulshadiina, cafimadkuna wa shayga ugu muhiimsan oo qof awalbana u bahanyahay wana arin mar walba mudan in laga hadlo xaladda caafimaad iyo waxyalaha sababikara cafimad xumada  wana ku mahadsantihiin.

marka xiga waxaan raba in an wax idinka waydiiyo mowduuc ad horay u qorteen oo ku saabsanaa condom-ka  su'ashayduna wa wax yar igana rali ahaada. wana sidaan,

Galmada aan lahayn saliid waxaa laga yaabaa inay jeexdo kondhomka.   marka saliiddu ma mida qaar ka mid ah condom-yada la socotaa? mise wa saliid ka gaar ah oo la isticmaalayo? mida xigta condom-ka saliida leh muxuu keena?   

                                         mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: Maxay tahay saliida lala isticmaalo kondomka?
Post by: SomaliDoc on March 15, 2013, 06:23:17 PM
Subkiyaha ama saliida waa lala isticmaalaa condomka, laakiin ma jiro saliid kondomka ku dhex jiro inta aan la isticmaalin ka hor, laakiin waxaa ku imaan karo maaddo sida powder-ka ah oo iskugu jirto subkiye iyo daaw disho xawada manida.