Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cadceed on July 05, 2010, 09:01:26 PM

Title: Su'aal: waxaa i xanunayo labada lafdheer ee u dhaxeeyso jilibka ilaa iyo qoobka?
Post by: Cadceed on July 05, 2010, 09:01:26 PM
frist waxaan salamaya dhamaan aqyaarta iyo wax garadka websitkan salaan kadib hadan u gudbo topic geyga ayaa ah
waxaa i xanunayo labada lafdheer ee u dhaxeeyso jilibka ilaa iyo qoobka cagta xanuun wato dikaan ma i xanuunayaan watiga aan fadhiyo ama aan jiigo ama aan socdo kaliya waxey i xanuunaan waqtiga aan foball ka dhelaayo 10 min kadib xanuun ayaay igu bilaban mana ahan xanuun an u adkeysan karo ilaa aan ciyaarta ka baxo hada ciyaarta ka fariisto ila mudo 30 min kadib waan ka ficnana mar waxaan jeclahay walalaheyga aqoonyahanada ah in eey wax iga fahan siyaa ilaah qeer haka siyee
Title: Re: Su'aal: waxaa i xanunayo labada lafdheer ee u dhaxeeyso jilibka ilaa iyo qoobka?
Post by: SomaliDoc on July 05, 2010, 10:34:55 PM
(http://somalidoc.com/Topics/kubxanuun.png)

Waxay u egtahay inaad ka cabanayso waxa loo yaqaano "Exercise-induced leg pain" oo ah macnaheeda lug xanuun ka dhalatay jimicsiga.
Badanaa wuxuu qofku dareemaa xanuun lugaha qeybtooda hoose ee kubka, kana sarrayso kalagoysga cagta.

Waxaa xanuunkaan dadka qaarkiis ay dareemaan markii ay ordaan ama boodboodaan ka dib, xanuunka waxaa wehliyo daqnasho la dareemo markii lafta la cadaadiyo, taasoo hadduu qofka nasto muddo daqiiqado ah xanuunka uu ka baaba'yo.

Xanuunkaa wuxuu ku yimaadaa inuu cadaadis lafta ay dareento ama murqaha uu qulqulka dhiigga ku xirmo, waxay ku badan tahay cilladaan dadka aan badanaa jimicsiga joogtaynin oo hal mar kaliya sameeyo orod ama boodbood xiriir ah.

Xanuunkaan "Exercise-induced leg pain" waxuu u kala baxaa dhowr xanuuno oo kuligood ku dhacaan lugaha waxaa ugu caansan "tibial stress syndrome" loona yaqaano magaca kale ee "shin splints" oo ah xanuunka aad hadda ka cabanayso oo kubka aad ka dareemaysid.

Waa muhiim in aaad samaysid jimicsi joogto ah si jirkaaga u la qabsado dhaqdhaqaaqa, haddii aadan samaynin wax jimicsi ah muddo dheer, fadlan socod ka billaw inta aadan ordin ama boodboodin, haddii aad xanuun dareentid, naso oo jooji ciyaarta, wax yar ku laabo haddane.
Habeenkii inta aadan seexanin, waxaad lugaha ku subkataa saliid qandac ah sida saliid macsarada oo kale, tan waxay kaa caawinaysaa in murqaha ay dabciso si qulqul dhiig ku filan u helaan, lafuhuna ay xanuunka kuu daayaan.

Waxay cilladaan ku badan tahay dadka cayilan, dadka leh cagta siman ee aan raysmagaartada lahayn iyo dadka canqowgoodu uusan awood lahayn iyo dadka sameeyo ciyaaraha adag sida tennis-ka, basket ball-ka iyo orodada marathon-ka.

Hadduu xanuunka joogto noqdo, waxaa dhici karta inuu jiro tarar aad u khafiif ah oo lafaha galay taasoo loo yaqaano "Stress Fracture", uma baahno in jug ku gaarto si tararkaan kuu galo, waxay ka dhalan kartaa cadaadiska dheeraadka ah ee aad lafaha saartay jimicsiga awgiis.
Fadlan ku dadaal in aad heshid macdanta lafaha dhisto ee kaalsiyamta in kugu filan adigoo caba caanaha geelaha, haddii aad ku nooshahay dhulalka qaboobaha oo aadan qorax helin waa muhiim sidoo kale in aad cuntid fitamiin D-ga.

Akhriso Faa'idooyinka Caafimaad Ee Caanaha Geela: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7175.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7175.0)
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid, ku soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)