Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cadar cuud on December 10, 2016, 11:25:26 AM

Title: Su'aal: Sidee miisankeda kor ugu qaadi karaa?
Post by: Cadar cuud on December 10, 2016, 11:25:26 AM
Asc dhaman ikn waxan raba in aad iga cawisaan sua,ashan waxan heesata gabar 9 bilo jirto waxan naas aheen macabto xita biyahq caadiga dhibka jiro cuno walbo wan ku dayay wa diiday canu formula wa diday aniga kuma filni oo waa ooyne mar kaato marki danbe waxa cabay xulbo alx sidii horw wan dhamna lkn misaankeeda ma soo kordho naaskane siifiican uma noogto weydaaleysa nusnusteedana aad ayeey u boodbodee misankedane waa 6  marka ((seedeen misankeda kor ugu qadi kara s))?
Title: Re: Su'aal: Sidee miisankeda kor ugu qaadi karaa?
Post by: SomaliDoc on January 18, 2017, 06:31:17 PM
Caruurta haddii ay lex bilood dhaafaan, caanaha hooyada kaliya kuma filno waa in loogu daraan cunno kale iyo biyo.
Waa laga yaabaa in marka hore ay dhibsadaan ama diidaan laakiin lagama yeelo illaa ay ka qabsanayaan, sabar iyo dadaal ayaa lagaa rabaa, haddii curudkaaga ay tahay waa in aad la kaashataa hooyadaa ama qof khbirad ku dhaama.

Caruurta yaryar waa in biyaha caadiga ah lagula dadaala, cunanda jilicsan sida baradhada, caanaha fadhiga, bariiska cad, mooska IWM.

Da'deeda markii la fiiriyo waxaa laga reebaa inay 8 kiilo noqoto, waxaana ka dhiman 2 kiilo.