Recent Posts

Pages: 1 2 [3] 4 5 ... 10
21
Qaybta Su'aalaha / Su.aal
« Last post by Warsame11 on February 23, 2023, 09:27:49 PM »
Waxa jirta in xaaska labada kilkil ay kasoo baxday wax buuran oo la moodo fiix hadaba markii ay dhaqtar tagtay ee baadhitaan loo sameeyay waxa la yidhi waxani maaha fiix iyo xanuun kale toona ee waa naas ilaahay meesha ka soo saaray wax xanuun ahna kuma hayo wuxuna u muuqdaa in uu sii waynaanayo
MAXAA SABaba DR
22
Waxa jirta in xaaska labada kilkil ay kasoo baxday wax buuran oo la moodo fiix hadaba markii ay dhaqtar tagtay ee baadhitaan loo sameeyay waxa la yidhi waxani maaha fiix iyo xanuun kale toona ee waa naas ilaahay meesha ka soo saaray wax xanuun ahna kuma hayo wuxuna u muuqdaa in uu sii waynaanayo
MAXAA SABA DR
23
Qaybta Su'aalaha / Re:?
« Last post by Ruu ali on February 05, 2023, 01:43:03 PM »
.
24
Cudurrada Guud / Re: Cudurka Mindhicirrada Kacsan (Irritable Bowel Syndrome)
« Last post by Abualisom on February 02, 2023, 11:27:16 AM »
Asalamu Aleykum warahmatu Laah,

Waxaan fahmi waayey jumladan (Casiraadda oo kaa joogsato markaad saxarooto) faah-faahin ma iga siin kartaa?
25
SD Support and Suggestions / @pump_upp - best crypto pumps on telegram !
« Last post by Xuuto on January 29, 2023, 06:09:07 AM »
https://t.me/pump_upp - best crypto pumps on telegram
Make 1000% and more within 1 day, join channel @pump_upp !
26
Qaybta Wacyi Galinta / Dhibaatooyinka Kabka Aan loo Baahnayn!
« Last post by SomaliDoc on January 25, 2023, 04:22:49 PM »


Asc,

Waxaan rabaa maanta inaan ka hadlo mawduuc aad muhiim u ah oo ku saabsan dhibaato bulshadeena ku badan.

Waa kabniinka jeestada oo lagu xiro iyadoo aysan jab jirin, waana arrin ku badan bulshada oo aan maalin walba la kulanno, taasoo ay keentay aqoon la'aanta qofka raajada akhrinayo iyo iyaddoo aan dhib wayn loo arkin in qofka kab la saaro sabab la'aan iyadoo dhianc dhaqaalo laga fiirinayo.

Dhibaatooyinka kabka jeestada ay keento iyadoo aan loo baahnayn waxaa ka mid ah:
  • Lafta la duubay ama la kabay muruqeeda oo dhinto, kadibne la arko lugtii ama gacantii oo tan kale ka yaraatay, waxaa arintaan loo yaqaanaa "Muscle Atrophy", wayna dhib badan tahay in laga soo kabsado.
  • Wareegga dhiiga oo kala xirmo sababtuan waa jeestada oo cadaadis saarayso xididada, tanne waxay ka dhalataa aqoon yarida iyo khibrad la'aanta qofka kabka xirayo, tan waxay keentaa in xubintu ay bararto taasoo dhibka sii kordhinayso haddii aan xubinta la badbaadin, kadibne lugta ama gacantu way dhimanaysaa haddii kabkaas lagu dhaafo.
  • Xinjiroobista xididdada arooriyaasha, tanne waa cillad kale, loona yaqaanno "DVT", oo ah in xinjir ku samaysanto xididka ku aadan meesha la kabay taasoo keeni karto dhibaatooyinka hor le oo ah in xinjirta fariisato meelo halis ah sida sambabada oo kale, faahfaahinta cudurkaan ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1460.0.html
  • Kalagoyska oo xannibmo, arintaan waxay dhacdaa haddii kabka la saaro meel kalagoys ah, taasoo keento in kalagoyskaasi uusan qofka isticmaalin in muddo ah, kadibne sidaa ku qolfoofo, markii jeesada ama kabka la furo, qofka ma isticmaali karo kalagoyskaas maadaama uu isku raysatay, iyadane waa dhibaatooyin badana aan la kulanno.
  • Neerfaha oo dhaawac gaaro, arintaan iyadane waxay dhacdaa markii kabka la saaro meelaha neerfaha jirka ka maro, taasoo keeni karto in dareenka ka guuro qeybta dareensidahaasi quudin jiray, kadibne sidaas neerfaha ku dhinto.
  • Dhaawaca maqaarka ku samaysmo, waxaa jiro dad jabniinka intay daawo mariyaan, kadibne kab saaro, weliba gobollada ayaa aad looga yaqaanaa, taasoo meeshii waxa la mariyay, kadibne kab la saaray markay huurto ay isdayso, maqaarkane fiiqmo sidaa caabuq halis ah qofka ku qaado, maadaama bukaanka uusan u jeedin waxa maqaarka hoose ka jiro, waxuu yimaadaa isbitaalka markuu urka meesha ka soo baxayo u adkaysan waayo.

Ugu dambayn waa muhiim kabka, waana qeyb ka mid ah daaweynta laakiin waxaa shardi u ah in qofka u baahan yahay, sida saxda ahne loo saaro, bukaanakne aan la iska fasaxin oo loo sheegto waxyaabo hadduu isku arko inuu isbitaalka u soo laabto ay tahay.

Sidoo kale waxaa jiro jabitaanno qaar aan lagu kabi karin kabniinka jeesada, taasina waxaa muhiim ah in laga la tashto dhakhtar ku takhasuusay kabniinka lafaha, sababtoo ah waxaa aragnaa bukaan aan kab jeesto waxba ka tarayn oo dhowr bil markuu ku xirnaa kadib loo sheego "jabkaaga ma kabmaayo ee dhakhtar lafo raadso".

Takhassuska qalliinka lafaha waa muhiim, laakiin qeyb badan oo bulshada ka mid ah kama dhaadhacsano ahmiyaddiisa, waxayna aaminsan yihiin in kabka iyo jeeso saarista ay tahay wax qof walba samayn karo, sawirka raajadane uu qof walba akhrisan karo.
Dhibaatooyinka kale waxaa ka mid ah, kalabax, seed dillaacay ama go'ay in kab lagu xalliyo!!!

Akhirso qoraallo la xiriira:
Cuntooyinka kabniinka dadajiyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6485.0.html
Qof jabay ma galmoon karaa: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,7027.0.html

Mahadsandiin.

Wixii su'aalo ah noogu soo gudbi qeybta su'aaalah insha'llah.
27
Qaybta Su'aalaha / Kaar iyo dikaan jilibka ah
« Last post by Salim Moha on December 22, 2022, 07:41:50 PM »
Asc Ugu Horrayntii Waxaa Mahad leh Allah , Sidoo kale waxan Bogadinaya bahda somali  Doc.

Dr Maalin Ayaan Bajaaj ama dhug dhugley ku dhufsaday jilib kamd ah jilbahayga , Aniga  oo kadaganaya,  jilibku habenkas iyo malinteda unbu ixanunay,  kadib xanunki wuu daayay  wax dawa Uma qadan , waxaa Caadi ahaa muddy 20 Bari ah , dabaded malin aya jilibkayga midig oo laban fidiyay markasan kamaqlay sharqan (Pop/crack) (ma hubo inuu yahy kii jugta gaartay) , waxyar hadu labnado oon kalabxiyo wuu sharqamayay,  markale  Aya anoo  labadaba jilib isku kaysaranyihin  baa kii midig  kaar ka daremay,  inta waxii kadambeyay , jilibki Ayan kadaremay Kar yar oo imanaya dhawr jeer muddo dhawr sikin  ah oo tagaya kaas oo ah Dhinacyada jilibka   , kaarkaa imanaya ee tagay Ayan Malmo kadib ku arkay jilibka bidix , dhakhtar ba u tagay , waxa uu iiqoray Vitamin D star iyo  Diclocine 7 Bari ah , Dabbaded wa kulabtay , waxa uu iiqoray Dicloneuron 10 Bari,   Hada , waxan Kadaremaya Labada jilb ba in wax Dhag kadhahyan marka jaranjarta isticmalayo , ama kaabadaha,  Ciladas way wadagan waxayna kubadantahay midigta , Malin dhawed waxa Midigta ku arkay In Knee capku uu Meel kudhagayo marka lugta fidiyo kadib uu ka kacayo , knee cap wuu toosanyahy oo Gees Uma baxayo , lkn waxba qabanaya kadibna sidaynaya ,  waqti xaadirkan Midigtu wayka liidata bidixda , Lawga bidix hada ayaa uu soo bilabaya Crack sound lkn ma badna .

minka xoogaa socod ah hada sameyo way I xanuunayan  , sidoo kale jaranjarada xanuun Ayan ku darema  , haday cabaar  laabnaadaan sidoo kale .

Maxaa talaa  Dr iyo bahda Somali doc , Da'daydu waa 23 Sano , madhelo banooni iwm ,  waxaa intanan jilibuhu I xanunin  horay u isticmalay 2 asbuuc  oo Nexium 40 mg ah iyo 4  asbuuc oo penteprazole 20 mg ah .



Waxan rajaynaya in deg deg iigu soo jawaavtaan Waa mahadsantihin .
28
Qaybta Su'aalaha / Re: Dhibaatada caanaha
« Last post by Milica_soomali on December 12, 2022, 10:06:23 PM »
29
New Members / Re: new member
« Last post by Milica_soomali on December 12, 2022, 10:05:59 PM »
30
Qaybta Su'aalaha / Waxan qaba hal sual
« Last post by Bashka-11 on December 06, 2022, 10:16:24 PM »
Dr awalan Asc,
Wad kaga mahad celina cawinta aad bulshada u heeysid, waxan daremay xanun gubasho ah
Sida qof babasiir hayo Lkn ma na muqdan calamadas in gudaha calosha ama qebta hoose saxarada gudahah ine igubaneysa marka  fadhiyo ama socda gubasho malawadka gudahaha ban darema xita hadi an dhusayo xita aryo kulal ah ba darema ama hadan sarirta jifto Muda 3 week ah ba darema. Asc
Pages: 1 2 [3] 4 5 ... 10