Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: SomaliDoc on September 16, 2007, 12:52:06 AM

Title: Cudurrada Galmada la isugu Gudbiyo (STIs)
Post by: SomaliDoc on September 16, 2007, 12:52:06 AM
(http://somalidoc.com/Topics/galmo.png)

STD waxaa laga soo gaabiyay "Sexually Transmitted Diseases", STD-yada waxaa sidoo kale loo yaqaannaa cudurrada xubnaha galmada. Waxaa sababa jeermis ku nool maqaarka ama dheecaannada jidhka sida shahwada, dheecaanka siilka ama dhiigga. Jeermiska waxaa gudbiya qof bukka badanaa siday uga gudbaan, waa isu ag/galmo, maqaar, dhiig, ama dheecaan jidh.
Jeermisyadaan waxay jidhka ka geli karaan siilka, afka, futada, iyo boogaha ama meelaha dillaacsan ee furan.
STD-yada laguma faafiyo is taabasho caadi ah, barkadaha dabbaasha ama ku fadhiisashada fadhiga musqulaha.

Calaamadaha STD-yada
Calaamaduhu waxaa laga yaabaa in ay ku dhacaan maalmo, toddobaadyo ama bilo marka cudurku qofka ku dhaco. Ragga iyo haweenka qaarkood ma laha calaamado laakiin waxay qabi karaan STD waxayna u gudbin karayaan dadka kale.

Calaamadaha ugu badan waxaa ka mid ah:
# Gubasho marka la kaadinayo
# Nabro ku sameysma cowrada sida dillaacyo ama toxobeysi
# Xonqorro
# Finan yaryar oo ka soo yaaca jirka
# Dheecaanka ka yimaada guska ama siilka
# Xanuun uur ku jirta ah, badanaa haweenka ku dhaca

Noocyada STD-yada
# Jabto/jabti (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1030.0) AKHRISO
# Waraabow (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1339.0.html) AKHRISO
# Herbis (Herpes) (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1028.0) AKHRISO
# Kalaamiidiya (Chlamydia) (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1040.0) AKHRISO
# Beer xanuun (Cagaarshowga B (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=633.0) iyo Cagaarshowga C (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1781.0.html)) AKHRISO
# Cudurka loo yaqaano aydhiska (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=446.0) AKHRISO
# Human Papilloma Virus (HPV ama xonqorrada cowrada) (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2842.0.html) AKHRISO
# Jankaroyd (Chancroid) (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3389.0.html) AKHRISO

Ka hortagidda STD-yada
Ka fogaanshada, ama xiriir galmo la'aan, ayaa ah habka ugu wanaagsan ee hortago faafidda STD-yada.

Baaritaanka
Waa in lagaa baaraa STD-yo haddii:
# Aad sameysay galmo aan sharci aheen.
# Aad dad la wadaagtay irbado si aad isugu durto mukhaadaraad ama galmo sameysay qof dadka irbadaha la qaybsada.
# Aad dareemeyso in aad la kulantay ama leedahay calaamadaha STD.

Waxaa STD kaa baari kara takhtarkaaga ama waaxda caafimaadka deegaanka.
Baaritaannada STD-yada waxaa badankooda loo sameeyaa si qofka lagu garanin.

Daryeelkaaga
STD-yada badankooda waa la daaweyn karaa. Qaarkood waa la daaweyn karaa laakiin qaar ayaan la daaweyn karin. Daawooyinka waxaa loo isticmaali karaa si ay gacan uga geystaan calaamadaha cudurkana uga celiyaan inuu ka sii daro.

Iyadoo qayb ka ah daryeelkaaga:
# Ka fogow xiriiro galmo ilaa aad adiga iyo lammaanahaaga la idin daweeyo.
# Antibiyootikada u qaado sida lagu faray ilaa lagaa daaweeyo. Hubso in aad qaadatay dhammaan daawooyinka takhtarkaagu kuu qoray.
# Marka aad dhammaysatid antibiyootiga, sadex todobaad ka dib takhtarkaaga ballan ka qabso si laguugu celiyo baaritaankii.
# Ku soo noqo Waaxda Gargaarka Deg-degga ah ama wac takhtarkaaga haddii calaamadahaagu ka sii daraan ama qandho ka sarreysa 101 darajo F ama 38 darajo C ay ku qabato.

Waxaa jira halista dhibaatooyin kale iyo cudurro kale oo daran haddii aadan helin daaweyn ama aad qaadato daaweyn aan dhammeystirneyn.

Haddii aad wax su'aalo ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)