Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Diihaal Guuto on February 17, 2016, 12:37:27 PM

Title: Su'aal: Hilibka ariga wax dhan waslad waan ku xanuun sadaa?
Post by: Diihaal Guuto on February 17, 2016, 12:37:27 PM
Asalaamu Caleykum.
Dhakhatar Markaan cuno hilibka ariga wax dhan waslad waan ku xanuun sadaa oo caloosha buu iga qabtaa saxaraduna waa jilicdaa mar marka qaarna waa matagaa, waxaa jira dibiro, nabar caloosha iga qabanaya, maalin ama labo kadib waan fiicnaadaa
Hilbaha kale sida Geela wax ba ima dhibaaan waa ariga oo kaliya
Hadaba dhakhtar xanunkan muxu noqon karaa maxase igula talin lahayd
mahadsanida
Title: Re: Su'aal: Hilibka ariga wax dhan waslad waan ku xanuun sadaa?
Post by: SomaliDoc on February 19, 2016, 03:48:46 PM
Qaabka loo kariyay ma waxbay ku kala duwan yihiin?
Hilibka geela inta aad ka cuntid mala mid tahay hilibka ariga?
Midda kale meeqo jeer ayaa isku aragtay arrintaan oo inta aad cuntay hilib ari aad saan ku noqotay?
Title: Re: Su'aal: Hilibka ariga wax dhan waslad waan ku xanuun sadaa?
Post by: Diihaal Guuto on February 24, 2016, 09:05:58 PM
Mahad sanud dr.
Maya makala duwana sida loo kariyey oo wa sida badana somalidu u kariso ee biyaha lagu kariyo, mana kala badna ee waa waslad wax dhan markan cuno baan isbadaladan dareemaa
Title: Re: Su'aal: Hilibka ariga wax dhan waslad waan ku xanuun sadaa?
Post by: SomaliDoc on March 02, 2016, 01:48:11 PM
Waxaa fiican in baaritaan xaga caloosha lagugu sameeyo iyadoo saxarada lagaa baarayo, wax hilibka ariga u gaar ah oo aad dareemayso markaa cuntid ma garanayo, laakiin waxaa dhici kara in xanuun caloosha uu jiro oo wax aad dhibasanaysid lagu daray ama lagu kariyay hilibkaas.