Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kuluu on September 03, 2009, 07:19:06 AM

Title: Su'aal: Halista Dhalmada Badan?
Post by: Kuluu on September 03, 2009, 07:19:06 AM
Asalaamu Caleykum Salaan kadib, Dhalmada badan in aay maamada dhashaa ilmo ka badan 8 ama 9 maxeey nolosheeda iyo xagga caafimaadka dhibaato u keeni kartaa?
Title: Re: Dhalmada Badan
Post by: SomaliDoc on September 05, 2009, 04:28:48 PM
Haweenka dhalay in ka badan 5 caruur ah waxaa caafimaadka loo yaqaannaa "Grand Multipara".
Waxaana qeyb ka mid ah uurreeyda looga dhigay halista ku imaan karta hooyada xillagaa markii ay dhaafto.
Halistaas waxaa ka mid ah:
1- Dhiigkarka uurka
2- Sonkorowga uurka
3- Dhiig bax dhalmada ka dib
4- Ilmo oo dabo keen ah ama dhinac keen ah
5- Ibida oo soo bixi weydo
6- Minka oo isku soo aruuri waayo dhalmada ka dib
7- Mandheerta oo uurjiifka qoorta u gasho
8- Minka oo dillaaco
9- Uurjiifka oo dheqaska ku xirmo ama cadaadis galo.

Waxaa kaloo jiri karo dhibaatooyin intaa ka badan ay lahaan karto hooyinka dhalmada badan sidaa awgeed waxaa lagula taliyaa hooyadaas in:
1- Isbitaal ku dhasho
2- Xaaladdeeda uurka si joogto looga warqabo
3- In lagula taliyo in dhalmada ay kala fogeyso.

Haddii aad qabto suáal dheeraad ah waad na weydiin kartaa
SomaliDoc
Title: cancer
Post by: Kuluu on September 12, 2009, 06:14:07 AM
asalaamu caleykum salaan kadib dhalmada badan ee dumarka malaga qaadaa cudurka cancer-ka ee ku dhaca makaanka dumarka.
Title: Re: Suáal: Halista Dhalmada Badan?
Post by: SomaliDoc on September 15, 2009, 11:36:03 AM
Dhalmada badan xiriir lama laha kaanakarada minka