Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hassan Bile on August 06, 2011, 07:20:24 AM

Title: Dhibaatada Daawooyinka Loos Isticmaalo Gym-ka.
Post by: Hassan Bile on August 06, 2011, 07:20:24 AM
waxaa arkaa dhalinyaro isticmaasho testosterone cirbad ama kaniini ujeedooyin kala duwan qaar iney ku dhisaan jirka qaarna iney ku hormariyaan awooda galmada sidaas darteed maxey faaiido ama qasaare yeelan kartaa isticmaalka daawadaas, mahadsanid 
Title: Re: Su'aal: Testosterone: faaiido iyo qasaaro?
Post by: SomaliDoc on August 08, 2011, 10:08:50 PM
(http://somalidoc.com/Topics/gym.png)

Gym-ka ama jimicsiga biraha la qaadqaado ama murqaha lagu dhiso waxay dhalinyarada qaar badan ay la qaataan daawooyin ay u aaminsan yihiin in ay murqaha dhisayaan, laakiin aqoon intaa dhaafsiisan ma hayaan, dhibaatooyinka ay ka dhaxli karaane ma oga.

Daawooyinka badanaa loogu tala galay in laga gado dadka noocaan ahi, waxaa daawada baakadka ay ku jirto badanaa lagu soo sawiraa qof murqo waawayn leh, taasoo la rabo in qofka maskaxdiisa lagu abuuro fikrad ah in daawadaan ay saas murqaha ka dhigto, waxay kaloo isticmaalo khiyaano kale oo ah magacyada daawooyinka loo bixiyo oo qofka galinayo dareen qof awood leh ama ka sarreeyo ama ka wayn dadka kale sida mgacyada ah "Alpha, Max, Super, Power iyo kuwa kalaba", waa arrin aad fahmi kartid haddii aad u fiirsato.

Laakiin talow daawooyinkaas maxay ka samaysan yihiin?
Marka hore ogow in aysan jirin daawo geedo daaweed ah ama dabiici ah oo murqaha ka dhigayso sida sawirrada la socdo ka muuqdo, midda xigta daawada kaliya ee murqaha bararin karto waa daawooyin laga soo sameeyay hormoonkii raganimada ee eebbe ku abuuray jirka bini'aadanka oo si siyaado ah loo qaato, kaasoo eebe ugu talagalay marka hore in ragu muuqaal ahaan ay kaga duwanaadaan dumarka, sida in murqo ay leeyihiin in timo ay xabadka ku leeyihiin, in codkoodu uu ka waawayn yahay iyo waxyaabo kale.
Hormoonka ragga ee testosterone waxaa loo isticmaalaa kaliya caafimaad ahaan laba xaaladodd:
1- In hormoonka ragga ee androgen lagu badalo haddii la waayo.
2- In howshii hormoonka ay hoos u dhacdo kadibne kor loogu soo qaado.
laakiin looguma tala galin in murqo lagu dhiso.

Way jiraan dad u isticmaalo arrimaha aad sheegtay taas oo ah mid aan sax ahayn oo dhibaato badanne keeni karto.

Waxyaabaha ay keeni karto haddii la isticmaalo daawadaan adigoo u baahnayn waxaa ka mid ah:

Talo:
Qofkii raba inuu murqo helo ama jirkiisu adkaado, ha sameeyo jimicsi dhexdhexaad ah, cunno caafimaad leh oo isku dheelli tiranne ha cuno, ha iska daayo daawooyinka iyo kareemyada ganacsiga loogu tala galay, yaa lagu sirin qof kaa naxayo ma jiree.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Testosterone: faaiido iyo qasaaro?
Post by: Shire on February 11, 2016, 12:10:51 PM
mahasanidin sida wanagsan oo ad  nogu sharaxdeen lkn hadan biraha kaliya iska qaado oo ana dawo ana kudarin wax dhib ah miyay ikenaysaa mahasanidin
Title: Re: Su'aal: Testosterone: faaiido iyo qasaaro?
Post by: Maanka007 on February 13, 2016, 01:12:41 PM
Mahadsanid diktore. aniga wado ma isticmaalo mana qaad qaado biraha lkn jimicsi joogta ah ayaan sameeyaa oo ah labo galin. midna waa subixii midna waa habeenkii. aad ayuu u nuurayaa jirkayga markaan bilaabay jimicsigaa.

dhallinyaro ka taga wadooyinka ee jimicsiga normalka ah iska sameeya, xitaa cuntada way kuu furmaysaa waa wax aan aniga lafteyda arkay.


MAHADSANIDIIN.
Title: Re: Su'aal: Testosterone: faaiido iyo qasaaro?
Post by: Gurey123 on January 29, 2017, 07:44:09 PM
aad baan idinkugu mahad celainayaa aniga birta waan qaada lkn hore waxaa usheegteen in ee xoogaa ee yara fcntahay  borotiinka la dhaho whay barotin  kawarama hadaan isticmaalo mideeda kale waxaa sheegteen in guriga lagu sameeso karo waana ubaahanahay cashiradaas inaa aqtino marlabaad mahadsanidiin