Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hafido on January 23, 2016, 11:54:29 AM

Title: Su'aal: Naag uur leh ma laga qali karaa indhaha ama sanka?
Post by: Hafido on January 23, 2016, 11:54:29 AM
anoo ka faaiidaysanaa cinwankaan waxan qabaaa hal sual oo ah naag uur leh qaliin malagu samayn karaaa sida qaliin sanka ama indhaha?

Title: Re: Su'aal: Naag uur leh ma laga qali karaa indhaha ama sanka?
Post by: SomaliDoc on February 06, 2016, 02:03:27 PM
Haddii qalliinka lagugu samaynayo uu yahay mid "elective" ah oo laga wado aanan degdeg ahayn oo la dib dhigi karo, in la dib dhigo ayaa haboon, dhibka laga baqayo ma ahan qalliinka ee waa suuxinta.
Laakii hadduu qalliinka uu yahay mid "emergency" ah waa in dhakhtarkaaga uurka iyo kan ku qalayo waa in ay ka wada tashtaan, haddii loo arko in lagu qali karo waa lagu qalayaa, waana laguu sharxayaa.