Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kaariye on January 20, 2019, 03:49:16 PM

Title: Su'aal: We wax uur ah iima yeelan 2 sano kadib?
Post by: Kaariye on January 20, 2019, 03:49:16 PM
Asc Dr
waan Salaamayaa Walaalaha Somlidoc Alle ha idinka Jasaai' siiyo sida aad noogu Faa'iidaysaan Salaan ka dib
Walaal Muddo ayaan Xaas leeyahay ilaa 2 Sano ah. 4 Bilood ka hor na Guri ayaanu wada degenayn weli na wax Uur ah iima yeelin Alxamdulilah. Wll Dhabarka ayaa aad u xanuuna Xaaskayga, Dhabarka laga bilaabo ilaa Miskaha aad bay u xanunaan. sidoo kale Galmada ayaa aad u Dhibta oo waxa Jira Vagina Dryness Madax Xanuuna way leedahay. Dhawr Dhakhtar bay Tagtay Illaa Ethopia Haddana Mid kas taba wax ba k uma hayaan bay i dheheen. Dhawr Baadhis iyo Scans la saaray ba waa Negative in yar oo Infection ah baa mid kood ku sheegay oo aan badnayn.
Islaan Duq ah ayaa ku tiri Madheeli baa ku haya iyo XIDID! oo waa lagaa gubayaa ama waan ku Duugayaa! weligay na maan maqal Labadaas Xanuun. DR hadaba Waxaan ku waydiin lahaa Labadaas Xanuun maxaad kala socotaa ee la Gubo ama la Duugo? sidoo kale maxaad igula talin lahayd Si aan Xaaskayga u daweeyo? Xaaskii Xagga Sariirta iyo Xagii Niyadaba waanu isla Cadilanahay Fadlan Talo isii
Mahadsanid
Title: Re: Su'aal: We wax uur ah iima yeelan 2 sano kadib?
Post by: SomaliDoc on November 24, 2019, 02:21:32 PM
Walaal talo dhameestiran waxaan ku siin karnaa markaan aragno baaritaannada aad samaysay nuucooda iyo jawaabaha ka soo baxay, midda ku saabsan mindheeli iyo xidid oo waa la gubayaa ama waa la duugayaa waa arrin aan waxba ka jirin oo dadka wax sanceeya ku shaqeystaan, midda kale haddii uur la'aan ay jirto waxaa habboon in labadiinuba isbaartaan, midda kale waraysi dheer ayaad u baahan tahay iyo in warqadahaasi aan aragno sidaa awgeed, waxaad nagala soo xiriir qeybta farriimaha ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)