Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Huda salah on December 19, 2018, 03:08:55 PM
-
Asc Somali doc
Su'aashyda waxay tahay labadayda dibnood(bishmood) mida hoose ayaa aad ii cas had iyo jeerna dildilaac ayey kentaa iyo qalayl mida sarena waa madow
Fadlan hdaad iihaysaan talo aan isugu ekeysiin karo dibnahyga ila wadaaga ama inuu xanuun jiro sababaya arrintaas
Waad mahadsanthiin fadlan jawaabta ayaan idinka sugi
-
bishinta / faruurta / dibinta hoose oo cas waxaa keena dhowr arrimood sida xanuunka gaaska, fitamiin yarida iyo in cunnooyinka qaar aad Allerji ku qabtid ama inaad faruurta hoose carabkaaga ku qoysid mar wlababa ama fiiqdid markay qolof soo fuusho, marka cilladahaas kala duwan mid walba talo gooni ah ayay leedahay marka taladaydu waa inaad dhakhtar la xiriirtaa si loo ogaado, kadibne talo lagaaga siiyaa. cilladaan oo faahfaahsan ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5366.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5366.0)