Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Maaji29 on May 25, 2017, 12:38:07 AM

Title: Su'aal: Indhaha ilaaaa qeybta hore maskaxda xanuun?
Post by: Maaji29 on May 25, 2017, 12:38:07 AM
Dr waxaan labinahay maskaxda XUUN

Waxaan ka loo isku arkay mararka qaar idhaha ilaaaa qeybta hore maskaxda xanuun qof hurdo hesto.
Waxaankaloo isku arkay markaan sajuudo ama jiifka kakaco madaxda ime isoodhahceysaan umaleyaa markaas gacanta ayaan saaraa maxaytahay.

9/5/2017 ayaanaba jekin guud ismarsiiyey ok ayaathay leygudhahay kadibana waxaa leygu  dhahay hp 15 waaye marka dhiigaada oo bdn madax Xanuun ayuu leeyahay marka niig iska shub niig waan shubay weli Maskax xanuun markaan isbaaraayey wuu xanuuneysay  hadane weli sanadkii horey ilaa hada waaye.

Jwb insha alaha
Title: Re: Su'aal: Indhaha ilaaaa qeybta hore maskaxda xanuun?
Post by: SomaliDoc on December 17, 2017, 10:11:57 AM
Bismillah,

Marka hore HB-gu hadduu 15 ahaa, waa caadi umana baahnayn in dhiig lagaa shubo, midda xigta qaabka madaxa lagaaga haayo lama mid ahay noqon kartaa:

1- Madax xanuunka sanqaroorka "Sinus Headache":  waa madax xanuun ka dhasho hadduu caabuq sanqada jiro, waxaana lagu fahmaa madax xanuunkaan in foorarsiga iyo sujuudu ay dhibayso oo in madax soo dhacayoo oo kale la moodayo, meesha indhaha iyo sanka iska galaane qofka culeys ayaa ka saaran, calaamadaha lagu garto caabuqa sanqada waxaa ka mid ah cabbur, sanka oo mararka qaar duuf adag ka yimaado, qofka oo horay sanboor ama xasaasiyad u qabay, wixii faahfaahin ku saabsan xanuunkaan halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5636.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5636.0)

2- Madax xanuunka ka dhasho isku-buuqa "Tension Headache",  kan waxaa lagu gartaa in dhafoorrada iyo wajiga lagaaga dhagan yahay ama lagaa giijinayo oo kale, qofka waxaa dhibayo hadalka, iftiinka, wuxuuna qofku dareemayaa in dhuhu kala taagan yihiin ama qori lagu kala haayo, waxaana la arkaa xilliyada qofku isku buuqsan yahay, hurdadu ku yar tahay ama arrimo culus ay ku soo socdaan, markuu qofka hurdo helo, badanaa madax xanuunkaan wuu baa'baa.

Talo:
Nuuca hore ee madax xanuunka waxaad kula tacaali kartaa adigoo isku uumiyo ama isku qiiqiyo biyo kulul oo saliid xabad sowdo lagu daray si culeyska sanqada kaaga saaran uu kaaga fuqo, madax xanuunkane uu kaaga tago inta aad dhakhtar uga tagaysid.

Nuuca labaad ee madax xanuunka waxaa lagula tacaalaa in saliid macsaro badan madaxa lagu shubo oo safiican loogu daliigo, kadibne lagu jiifsado habeenkii, subaxdii iska dhaq markaad soo toostid, sidaasne sameey dhowr habeen 3 illaa 5, waad ku fiicnaan doontaa insha'llah.

Haddii aad u baahan tahay in lagu waraysto si loo ogaado nuuca madax xanuunkaaga ama talooyin dheeraad ah, igala soo xiriir qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)