Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: SomaliDoc on September 28, 2007, 06:57:32 AM

Title: Qandho ama Xumad (Fever)
Post by: SomaliDoc on September 28, 2007, 06:57:32 AM
Hadii cunugaaga korkiisa uu kululyahay, waxaa dhici karta iney heyso waxa takhaatiirtu ay dhahaan "Qandho".
Takhaatiirtu waxey ku cabbiran heer-kul-beeg (thermometer).
Haddii heer-kul-beega uu sheego 100.4F (38c), taas macnaheeda waa cunuga waxaa haya "Qandho", jirkoodana waa ka kululyahay siduu caadiyan ahaan jirey.
Sida badan taas micnaheeda waa in cunuga uu jiran yahay.
Mararka qaar ilmaha waa qandhadaan marka la talaalo kadib.
Mararkalena ilmaha jirkooda waa kululaadaa markey si xog u ciyaaraan ama ay wataan dhar badan mana jiran.
"Qandho" iyada kali ahaanteed dhib ma aha. "Qandho" waxaa dhici karta in ay jirka ka caawineyso inuu la dagaalamo infegshan.

Siduu cunugaaga yahay dhaqdhaqaaqiisa ayaa ka muhimsan heerka ay jogto qandhadiisa. Hadii cunuga ay heyso "Qandho" ah 103F, lakiin uu faraxsan yahay, ciyaarayo una wax cunayo, ilmahaas waxaa dhici karto inuu fiican yahay.
Hadii cunugaaga ay heyso qandho gareyso 101F oo kaliya, lakiin ay dhib ku tahay neefsashada ama aad u hudeysan yahay, isaga ama iyada waxaa dhici karta iney jiran yihiin.

Marka waa inaad caawisaa cunugaag qandhada sidey uga jabi laheed:

Fadlan si deg-deg ah u gaar takhtarkaaga hadii arimaha soo socda aad aragto:

Ugu dambeyntii, WALIGAA ha siin cunugaaga asbirin, inuu takhtarka ku faro mahee.

Mahadsanidiin
SomaliDoc
Title: Re: Qandho ama Xumad (Fever)
Post by: Deeqcali on May 11, 2011, 11:10:59 PM
Asc bacda salaan waxan idin weydinaa aspariinka muxuu dhibaato leeyahay hadi la siiyo ilmaha waxan maqli jiray in asparaha qofka asago yar lagu bilaabo oo aan lasiin kaniinyada kale sida banadaha wuxuu ka caawiyaa wadna xanuunka oo inta badan kuma dhaco idinkuna waxad dhahden hasin cunugaaga asparo adigon dhaqtarka kala tashan fadlan iga jaahil bixi anigu waxan siyaa hadi qandho qabato asparo
Title: Re: Qandho ama Xumad (Fever)
Post by: SomaliDoc on May 14, 2011, 10:27:26 PM
Caruurta da'doodu ka yartahay 12 jir lama siiyo Aspirin maxaa yeelay wuxuu u keenaa cudur halis oo dilaa ah kaasoo asiibo maskaxda iyo beerka oo lagu magacaabo "Ryes Syndrome".

Caruurtaada ha siinin kaniiniga Aspirin.
Title: Re: Qandho ama Xumad (Fever)
Post by: Deeqcali on May 15, 2011, 11:14:05 PM
Waad mahadsan tahay doctor ma siinayo aspirinka hada ka dib