Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Husni on March 26, 2017, 10:10:59 PM

Title: Su'aal: Muxuu keeni karaa gooryaanka Trichura trichiura?
Post by: Husni on March 26, 2017, 10:10:59 PM
Asc wr wb bahda dhaqatiirta somaliyed iyo aqristayasha kuxeran bogan, salan kadib waxan raba in aan idin lawadago suashan:-

side ayuu sameyn ugu geysa kara prasite Trichura trichiura in young children ? how to diagnose? prevention?
Title: Re: Su'aal: Muxuu keeni karaa gooryaanka Trichura trichiura?
Post by: SomaliDoc on July 02, 2017, 11:23:38 AM
Trichuris waa gooryaan jeedaleed, waxaana magacaas loogu bixiyay inuu eg yahay sidii jeedalka oo kale, waxaa laga qaadaa nadaafad xumada iyadoo qof xanuunsan saxaradiisu ay cunnada gaarto ama gacmaha lagu kala qaado kadibne iyadoo la iska dhaqin cunnada lagu cuno.

Ukunta gooryaanka waxay ku dhex dillaacdaa mindhirrada iyadoo gooryaan isku badasho, hadduu gooryaanka ku dhex bato caloosha wuxuu keenaa calool majiir, shuban dhiig, xaaladaha qaarne dhiigyari.

Waxaa xanuunkaan lagu ogaadaa, baarista saxarada iyadoo alga eegayo ukumaha gooryaankaan, waxaana lagu daaweeyaa daawooyinka Mebendazole ama Albendazole.

Xanuunkaan haddii aan la daaweyn wuxuu keenaa nafaqo darro ama malawadka oo caruurta ka soo dhaco jiirashada awgeed, dhiigyari iyo korriimo la'aan.

Waxaa looga hortagi karaa in saxarada laga fogeeyo meelaha lagu dhool yahay, gacmaha la iska dhaqo cunnada ka hor, cunnada aan la karkarinne la iska dhaqo sida qudaarta iyo furutada.