Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdirahman Ahmed on April 28, 2016, 08:53:30 AM

Title: Su'aal: Waxaa jira cuncun xiniinyaha ah, maxaa dawo ah?
Post by: Abdirahman Ahmed on April 28, 2016, 08:53:30 AM
sc w w walal waxaan leeyahay cuncun aan ka dareemayo diirka sare ee xiniinyaha, mudo dheerna waan dareemayey oo ku dhaw 8 sano. ma laha wax calaamada ah oo dheeraad ah. markaan dhakhaatiir uga waramayna waxay yidhaahdeen waa elergic. dawo iga kaxaysa kama helin dhakhaatiirtan, wax dhibaato ah oo badan ma jirto lakin gacanta ayaan la macaansanayaa in aan ku xoqo.
Title: Re: Su'aal: Waxaa jira cuncun xiniinyaha ah, maxaa dawo ah?
Post by: SomaliDoc on May 20, 2016, 09:24:28 PM
Cuncunka qooraha waxaa keeni karo cudurro badan oo ay ka mid tahay, xajiin caadi ah, cudur fangal ah iyo cillado kale.
Waxaa kaloo ka imaan kartaa in qanjirada dhididka ay owdmaan ama xirmaan, waana cillada ugu badan.