Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abuurayaan on November 25, 2014, 12:31:47 PM

Title: Su'aal: Marka Shanlaysanayo Madaxayka Waxaa Ka soo daadanayo qolof cad cad?
Post by: Abuurayaan on November 25, 2014, 12:31:47 PM
Asc
Aad iyo aad ayaan idin ku gu mahad cilinayaa , dhakhaatirtiina isku howlay inay umada wax u qabtaan, intaas ka dib

walaalayaal
waxaa imbadan isku arkay marka damco inaa shan laysto timahaygu waxaa ka soo daadanayo wax aad moodo qolof ama wax cad , sidaas oo kale  mudo 6 bil ka hor ayaa waxaan ku arkay bisiqa (shuunka) hareerihiisa ilaa inta xundurta u dhaysa , bara yar ayaa la socdo wax sidaasi u cad oo aad moode meel laxoqay oo bus ka daadanaysa
1- Maxay yihiin ?
2- Maxaana  sababa?
3- Sidee lagu daaweyaa

Thanks
Title: Re: Su'aal: Marka Shanlaysanayo Madaxayka Waxaa Ka soo daadanayo qolof cad cad?
Post by: SomaliDoc on November 25, 2014, 04:46:13 PM
Toxobta ama qolfaha ka soo daato tinta marka aad shallaysanayso waxaa loo yaqaanaa caafimaad ahaan Dandruff, fadlan halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2090.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2090.0.html)

Dandruffka inkastoo madaxa u badan yahay laakiin wuu galaa meelaha kale jirka ee tinta ka soo baxdo sida baalsha indhaha, shuunka, shaarbaha iyo garkaba.

Way kaloo jira xanuuno kale oo u ekaan karo dandruff-ka ee la xiriir takhtar haddii aad sii aragto inay sii jiraan markaa isticmaasho shaambooyinka leh anti-dandruffka.