Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: GEEDOOW on April 15, 2012, 01:40:03 PM

Title: SU'AAL: WAA MAXEEY WAXTARKA MACDANTA MAGNESIUM?
Post by: GEEDOOW on April 15, 2012, 01:40:03 PM
ASC WR WB
WAXAAN RABAA INAAN WAX KA OGAADO WAX TARKA EEY INOO LEEDAHAY MACDANTA MAGNESIUMKA ?
MAXAA DHACAYA HADII JIRKA DADKA EEY KU YRAATO MACDANTAAN ?
HALKEE AMA CUNADEE LAGA HELAA MACDANTAAN ?
AAD IYO AAD AYAAD UMAHADSANTIHIIN DHAMMAANTIIN .
Title: Re: SU'AAL: WAA MAXEEY WAXTARKA MACDANTA MAGNESIUM?
Post by: Zohrah_3 on April 21, 2012, 12:42:19 AM
Wcs wr wb

1) Magnesiumka jirka aad uu muhim u yahay , siiba lafaha iyo murqaha ay xoojiyaan ama ay ka qayb galaan dhismahooda
Qofka wayn wuxu u baahanyahay 300-400 Milligramm maalinti oo macdanta Mg (Magnesium), intaas wayka badan kartaa haduu qofka jirooyinka qaar qabo, sida maacanka ama sokorowga, ama jorooyin dhinaca wadnaha, waxaa kala oo ayaganeh u baahan in badan, dadka Sports ciyaaro ama ciyaartoyda. Macdanta waxay jirka ku yaraankarta markuu qofka daawoyinka sida kuwa caadida badiyo oo loo isticmaalo dhiig karka, kuwa loo qaato uur joojiska ama Steroidska.

2) Hadii ay macdanta Magnesium jirka ku yaraado , wuxu keena lafo xanuun iyo murqa xanuun. Dadka qaar waxay isku arkaan luga xanuun ,siiba kubka (charley horse/ cramp in the calf). Wuxu qofka isku arki karaa (lack of concentration) qofka in markii wax loo sheegaayo uu fahmi kari waayo, ama uu maqnyahay, Nervosonimo. Dabcan hadii uu qofka inuu ogaado inay ku yartahay macdantaan iyo in kale waa inuu la tashto DHAQTARKA!!! , dhaqtarka ayaa u sheegi karo markaas hadii uu qofka u baahnyahay iyo in kjale iyo nuuca uu isticmaali karo oo Magnesiumka.

3) Macdantaan waxaa laga helaa qamadiga, beerka, biyaha mineral waterka, mooska, sisinta, qudaarta (spinach), caanaha iyo waxyaabaha laga suubiyo siiba cheeska iyo joghurtka.


good luck , wcs wr wb