Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Muna123 on February 01, 2016, 07:35:02 PM

Title: Su'aal: Waxaan isku arkay wax kaso laalado farjigeyga?
Post by: Muna123 on February 01, 2016, 07:35:02 PM
Aswrwb aad  ayaan idinkaga mahad celinayaa sida wanaagsan aad umada ugu faaidendsin Allah swt ajar ha idinka siiyo.
Suasheda waxay tahay Waxaan isku arkay wax kaso laalado farjigeyga waxayna ahayd waqti aan sugaye dhiiga caadada aad ayaan u naxay murayad ayan so qaaday waa wax sida carab yar oo kale ah. Waxaan isku daye inaa riixo ma I xanuunayo waxaan dareemay inuusan jirkeyga kamid ahayn. Waxaaa sidegdeg hoyo iyo walaalo iigu gexeeyen doctarka degdega ah marke aragtay way naxday minki ayaa soo dhacay ayee tiri wayna isi gudbisay. Computer ayee isaaren waad fcn thy wax maqabtid ayee idhahen. Bish ku xigtay waxba ma arkin. 3 bil oo ka danbeeyay hadana waan arkaa. Marka arko 3 ama afar maalin katib ayuu dhiigi iga imaanayaa. Ma wax normal ahaa mise? Wax xanuun ahna ma dareemo. Gabarna waan ahay oo bikra ah.
Isoo jawaba idinko mahadsan. Wsc
Title: Re: Su'aal: Waxaan isku arkay wax kaso laalado farjigeyga?
Post by: SomaliDoc on February 08, 2016, 03:48:42 PM
Arrintaasi way dhacdaa, waxaana badanaa la arkaa marka caadada ay soo dhawdahay oo dabcaan seedaha murqaha minka ku hayo jirka, hora ayaan uga hadalnay arrintaan ee ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1730.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1730.0.html)