Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: Pharmacist on January 07, 2008, 05:41:40 PM

Title: Daroogooyinka iyo uurka
Post by: Pharmacist on January 07, 2008, 05:41:40 PM
Ma jiro heerka isticmaalka daroogada oo ammaan ah inta uurku jiro. Badiba daroogooyinka dareen-kiciyeyaasha ah waxay saamayn
karaan ilmaha aan dhalan. Daroogooyinka dhakhtaradu qoraan qaarkood ayaa ayaguna dhibaatooyin keena inta uurku jiro, sidaas
darteed waxaa muhiim ah in la helo talooyin daaweyn sida ugu dhakhsaha badan.

Aad u qaadashada iyo isticmaalka joogtada ah ee daroogooyinka qaarkood inta uurku jiro waxay keeni karaan dhicin, cadaadiska
uur-jiifka, fool waqtigeeda aan la gaarin, qaabdarrada ku dhacda ilmaha, miisaanka dhalmada oo hooseeya, dib-u-dhacyada koritaaneed ilmaha, amase dhibaatooyin kale oo ballaaran.

Waxaa lagula talinayaa haweenka uurka leh iyo kuwa u malaynaya inay uur yeelan doonaan inay iska ilaaliyaan khamriga, sigaarka iyo daroogooyinka kale. Badanaa haweenta isticmaali jirtey daroogada ma ogaato inay uur leedahay ilaa laga gaaro dhowr bilood oo uurka ah.

Haddii ay haweenaydu ay isticmaasho daroogada, oo ay ka midka yihiin daawooyinka dhakhataradu qoraan, waa inay kala tashataa dehakhtarkeeda ama xirfad-yaqaannada kale ee caafimaadka markii ay doonayso inay uur yeelato, ama isla markii ay ogaato inay uur yeelatay.

Haddii ay haweeynadu ku xiran tahay daroogooyinka inta ay uurka leedahay, waxaa run ah inuu ilmaheedu la kulmi doono astaamaha
u-barashada dhalashada ka dib. Taasna macnaheedu waa in ilmihii yaraa ku sii jiro isbitaalka muddo ka badan intii caadiga ahayd ilaa astaamahaas ay ka baaba’aan.

Daroogooyinka iyo nuujinta
In kastoo daroogooyinka qaarkood u gudbaan caanaha naaska, haddana naas-nuujintu waa tallaabada saxda ah oo loo qaado in ilmaha
naaska la nuujiyo. Haweenka daroogooyinka cuna oo isla markaas naaska nujiya ilmahooda waa inay kala tashadaan dkakhtarkooda ama
xirfad-yaqaannada kale ee caafimaadka.

Real Pharmacist