Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Diihaal Guuto on June 03, 2016, 07:03:23 PM

Title: Su'aal: Barariso ama Bararo?
Post by: Diihaal Guuto on June 03, 2016, 07:03:23 PM
ASALAAMU CALEYKUM
salaan ka dib dr waxaa jira xanuun mesha aan ku noolahay looga yaqaan Bararo ama Barariso, Waa boog iskeed jirka iga sobaxda waxay leedahay barar weyn iyo kaar badan iyadoo aakhirka ay ka soo daataan boogtii barar saneyd milil iyo malax madoobaad ah.
Badanaa intaan arkey waxay ka soo baxdaa gacmaha(faraha iyo agagaarkoda)
Dadku waxay aamin san yihiin in lamudo oo mudac kulul lagdalooliyo lagana sodaadiyo milinka.
Waxaa dhacday dad inuu nabarkaasi waxyeelo ka soo gaartey ayadoo aan arkey dad gacmaha nafoobeen qaarna faraha qaarkood ay goysay xanuunkaasi markii ay ku xumaatey oo ay nerveha dishay.

Dr waxaan rabaa inan xanuunkan naga jaahil bixisid waxa sababa iyo sida loola tacaali karo si loga baaqsado waxyeelo ay keeni karto.
Title: Re: Su'aal: Barariso ama Bararo?
Post by: SomaliDoc on June 18, 2016, 01:43:06 PM
Waa nooc ka mid ah infekshanka ku dhaco maqaarka, waxaana keeno bakteeriyo
Waxay keentaa inuu jirka bararo, kadibne haddii aan al qaadan qallajiye markuu cusub yahay wuxuu bararku isu badalaa malax, taasoo haddii aan laga daadin gacanta keeni karto inay xididada iyo neerfaha saameyso oo gacanta sidaa ku naafowdo.

Alaabta lagu gubo waa lagu kala qaadaa xanuunkaan.