Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jama111 on March 26, 2017, 11:58:16 PM

Title: Su'aal: Wajiga oo Qofka da'diisa Kaweyn?
Post by: Jama111 on March 26, 2017, 11:58:16 PM
Asc Waan Idin Salaamay Wiil Yar Oo aan Adeer U Ahay Baa Wuxuu Jira 22  Wajigiisuna Aad Buu U wayn Yahey Macnaha Waxaad Mooda In da'diisa Iyo Wajigiisu Is Laheyn Wajiga kaliya Inkastoo Uu iska (face) Weji Wayn Yahey  Marka Qofka Oo Cimrigiisa ama Da'diisa Ka Horu Mara Maxaa Keena Ma dhaxal waalidkii Uu ka Dhaxleybaa (inheritence) mise Waa Cudur Oo Takhtar Buu u Baahan Yahey Dad Waxaa Jira Iyagoo Weyn Da'du U qarsoon tahay Iyo Mid Isagoo Yar Waji Ahaan Aad Moodo Inuu Nin Wayn Yahey Markaa Maxaad Kula Talin Laheyd Cunagaa, Mase Jiraan Daawooyin Loo qaato Ama kareemyo   
wajiga La Mariyo
Modify message
Title: Re: Su'aal: Wajiga oo Qofka da'diisa Kaweyn?
Post by: SomaliDoc on July 06, 2017, 03:18:31 PM
(http://somalidoc.com/Topics/cimridegdeg.png)

Bismillah,

Casharkaan waxaan kaga hadli doonnaa waxyaabaha keeno cimri degdegga ama in qofka uu ka hor duqoobo da'diisa.

Dadku isku abuuris maahan, way ku kala duwan yihiin muuqaalka, dad baa dhaxal ahaan dhakhso duqooba, dadne da'da kama muuqato, laakiin waxaa jira waxyaabo la isku waafaqsan yahay oo cimri degdeg qofka ku rido, ayna muhiim tahay in laga fogaado intii la awoodo, waxaana ka mid ah:

Inta aan kor ku soo xusayba waxaa looga hortagi karaa in qofka uu si dabiici ah jirkiisa iyo caafimaadkiisa u daryeelo isagoo ku dadaalo cunnooyinka isku dheelli tiran iyo biyo cabitaanka, yareeyo macmacaanka, badsado borotiinka, ka fogaado mukhaadaraatka, sameeyo jimicsi dabiici ah sida socodka, orodka IWM, kana fogaado waxyaabaha kiimikada ee la isku qurxiyo.

Haddii aad su'aal caafimaad ah qabtid ku soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0), laakiin haddii aad u baahan tahay inaad toos dhakhtarka ugala hadashid caafimaadkaaga, ka qeyb qaado baarnaamijka rukumashada adigoo "massage" noogu soo diro boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)