Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ashwaaq on October 02, 2011, 03:07:41 PM

Title: Su'aal: Waa maxay daawooyinka la isku caddeeyo?
Post by: Ashwaaq on October 02, 2011, 03:07:41 PM
asc salaan kadib waxaan rabaa in an ogaado dhibaatada  eey i keenikaraan daawooyinka jirka loo is ticmaalo o lagu qurxiyo
yacni cosmetics ,midakale dawadaan ma wax jirkaaga jaraya oo  maqaarkale kuu geynaayo mase waa dawo un oo qurxineysa jirka
waad mahadsantihiin dhamaan
Title: Re: Su'aal: Waa maxay daawooyinka la isku caddeeyo?
Post by: SomaliDoc on October 07, 2011, 11:40:20 AM
(http://somalidoc.com/Topics/cadeeyo.jpg)

Daawooyinka loo isticmaalo in la isku caddeeyo maahan wax caafimaadka u roon inkastoo ay sii kala daranyihiin oo ay jiraan qaar halis ah oo keeno kansarka maqaarka iyo dhibaatooyin kalaba.

Daawooyinka la isku caddeeyo waa dhowr nuuc wayna kala daran yihiin:
1- Nuuc lagu daray daawada loo yaqaano "Steroid-ka" waa daawo lagu daaweeyo xanuuno badan oo jirka ku dhaca, waxaana laga qaataa qiyaas loogu talagalay, qofkane joogto looma siiyo maadaama ay waxyeello jirka u gaysato, laakiin daawooyinka la isku caddeeyo waxaa lagu soo daraa qiyaas aad u badan oo daawadaan ah iyadoo halis galinayso qofka caafimaadkiisa, warbixin ku saabsan daawadaan iyo dhibaatada ay keensato halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3223.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3223.0.html)
2- Nuuc ka samaysan waxyaabo yareeya midabka maqaarka ee loo yaqaano "Melanin" waxyaabahaas oo qaarkood mamnuuc ka ahd dunida oo aan lagu soo dari karin laakiin shirkadaha qaar way ku soo qariyaan, waxaana ka mid ah maadada loo yaqaano "Mercury" oo sun ah haddii jirka u gudubto waxayna keentaa Kansarka maqaarka, halkaan ka akhriso kareem ay soomaalida isticmaasho oo horay looga digay markii lagu arkay maadadaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3490.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3490.0.html)

Ma jiro kareem ka samaysan fitamiino ama qudaar ama wax dabiici ah oo maqaarka badali karo, dad ayaa si qaldan u aaminsan in wixii ku qoranba geed-daaweed ama dabiici in ay sax tahay in la marsado, iska ilaali waa istraatiijiyo ay shirkada qaarkood u adeegsadaan suuq-geynta daawooyinkooda.

Dhibaatooyinka ugu caansan ay daawooyinkaan keenaan waxaa ka mid ah:

Daawooyinka la isku caddeeyo qaabka ay u shaqaynayso waa qaab ay ku yarayneyso ama u baabi'neyso midabka Melanin ee ku jira unguyada maqaarka iyadoo is baddal ku samaynayso taasoo caafimaad ahaan halis ah maxaa yeelay unugga markii la badalo waxaa yaraanayso dulqaadkiisa u leeyahay waxyaabaha ku hareyreysan jirka sida: kuleelka, qabowga, dhididka, caabuqa iyo waxyaabo kale.

Boqolkiiba 90% kiimikooyinka la isku caddeeyo in ay ku jiraan labo maaddo oo aad halis ah oo ka mamnuuc ah wadamada qaar, maadooyinkaas oo kala ah: Mercurous chloride iyo Hydroquinone.

Badanaa daawooyinka la isku caddeeyo ee laga helo soomaaliya iyo dunida sadaxaadne waa kuwa noocaan ah.

Talo ku socoto haweenka:
Ilaahay ha looga cabsado maqaarka aad hugan tihiin, isagaa idin siiyay idinkana xisaabtami doono, ha qaadanin go'aan aad ka shalaayi doontid mustaqbalka.
Diraasad la sameeyay waxaa lagu ogaaday boqolkiiba 80% dadka isticmaalay daawooyinka la isku caddeeyo in ay ka shallaayeen waqti dambe, taasoo ka noqosho lahayn.
Ilaahaygii kuu hibeeyay oo ku siiyay midabka aad ku dhalatay, ku mahadi oo ku dadaal ilaalinta iyo nafaqaynta maqaarkaas, ka fogow wixii caafimaadkaaga iyo muuqaalkaagaba halis galin doono mustaqbalka.
Caqli yeelo ee ha ku dhicin dabinka shirkadaha ka macaasho kareemyadaas, Babay-ga ama Qajaarka laguugu soo sawiray kareemka dushiisa si laguu siro, maad isticmaashid iyagoo dabiici ah haddii dabiici jaceel kaa tahay.
Waxaan la kulmay gabdho badan iyo haween qarash ku bixinaya sidii ay isaga daaweyn lahaayeen dhibka ka soo gaaray daawooyinkaas.

Fadlan haddii cillad maqaar qabtid, kala xiriir dhakhtar isagaa kaala talin doono, haddii ay jirto su'aalo ama faahfaahin ku saabsan qoraalkaan waad na soo waydiin kartaan.

Caafimaad baan idiin rajaynayaa.

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Waa maxay daawooyinka la isku caddeeyo?
Post by: Nasriin on May 05, 2015, 02:36:34 PM
Asc aad ayaad u mahadsantihiin dadaalka aad ku jirtaan iyo daryeelka dadkeena aad ku cawinaysan allaha idinka abaal mariyo
waxaa jira dawo ay habluhu aaad iyo aad ugu badanyihiin batnafaad ayaan anigu u aqaan qofka hadaad ku tidhahdid iska daa dheeha ayaay ka qaadi waxay kugu jawaabi wax ma yeelayso aan qurux ka ahayn dawadaas hablaha somaliyeed ku badan maxay tahay?!
Title: Re: Su'aal: Waa maxay daawooyinka la isku caddeeyo?
Post by: SomaliDoc on May 07, 2015, 11:19:30 AM
Daawada aad tilmaamayso waxaa la dhahaa "Betnovate" waxay soo galaysaa qeybta 1-aad ee aan kor uga soo hadalnay daawooyinka la isku caddeeyo.
Betnovate waxay 5-goor ka xoog badan tahay ama ka dhib badan tahay daawada kale oo iyadane aad u isticmaalaan hablaha soomaaliyeed oo loo yaqaanno "Dermovate" oo aan horay uga hadalnay dhibka ay leedahay, halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3209.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3209.0.html)

Dadka ka indho-adeegayo joojinta daawooyinkaan waa laba mid:
1- Qof u bareeray oo og in ay dhibaato leedahay oo aan caafimaadkiisa ka fakarayn sida qofka sigaar cabayo oo kale.
2- Qof ay ka taahil aqoon darri iyo jaahilnimo oo u baahan in la wacyi galiyo si uu uga fogaado.

Qofka labaad haddii aad aragtid la socodii qoraalkaan.