Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kaltuun on December 28, 2016, 08:30:19 PM

Title: Su'aal: Sanjabiisha iyo Caadada?
Post by: Kaltuun on December 28, 2016, 08:30:19 PM
dr waxan maqlay sinjibiishu inay yarayso xanuunka cadada balse ma waqtiga lagu jiraa lacabayaa mise intaynan cadadu kuu imaan bal ifahansii adoo mahdsan wllo ilaahay ajar iyo xasanaad hakaa siiyee.

second diinsiga ayaan shaaha ku darsadaa quman iyo caado xanuunba wan leyahy kwrn mayga yaraynkaraa xanuunka cadada oo aan aad ugu xanuunsado isna gorma isticmaali karaa .
Title: Re: Su'aal: Sanjabiisha iyo Caadada?
Post by: SomaliDoc on March 26, 2017, 10:27:59 AM
Sanjabiilka wuxuu leeyahay faa'idooyin caafimaad oo tira badan, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6530.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6530.0)

Sanjabiilka waxaa la isticmaalaa xilliga caadada, wuxuu yareeyaa majiirka mindhicirrada iyo dhabar xanuunka.

Diinsigu waa qallajiye dabiici ah wuxuuna ka hortagaa cudurrada soo noqnoqdo sida quumanka oo kale, akhriso qoraal ku saabsan faa'idooyinka diinsiga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3853.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3853.0)

Waxaad kaloo halkaan ka akhrisataa qoraal ku saabsan cudurka quumanka iyo siyaabaha loola tacaalo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1116.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1116.0)