Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Caruurta => Topic started by: SomaliDoc on May 24, 2008, 01:22:50 PM

Title: Gedef (Rickets)
Post by: SomaliDoc on May 24, 2008, 01:22:50 PM
(http://somalidoc.com/Topics/gedef.png)

Gedef-ku waa xanuun  afka qalaad lagu dhaho "Rickets", waa lafaha caruurta oo jilicsan ama dabacsan, sababtuna waa fitamiin D-ga oo ku yar.

Fitamiin D wuxuu jirka u leeyahay faa'idooyin badan, wuxuu ku caawiyaa kaalsiyamta lafaha laga sameeyo in cunnada laga soo saarto, hadduu fitamiin D-gu yar yahay, kaalsiyamta ayaa yaraato, waxaana sidaa ku dhumo tayadii lafaha, waxaana caruurta ku dhaco xanuunka "Gedef-ka", dadka waawayne waxaa ku dhaca xanuunka loo yaqaano "Lafobeel-ka", waa xanuun haweenka soomaalida ku badan, ee ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2132.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2132.0)

Fitamiin D yarida waxay ka timaadaa, nafaqo darrida, waxay kaloo ka timaadaa qorax la'aanta, waxay kaloo ka timaadaa xanuuno kale sida kilyo xanuunka.

Waa maxay astaamaha lagu garto xanuunkaan?

Yaa halis ugu jira xanuunkaan?

Muxuu dhibaato keeni karaa xanuunkaan?

Sidee lagu ogaadaa xanuunkaan?
Caruurta xanuunkaan uu hayo waxay dhakhaatiirta ku fahmi karaan aragti marka hore, meelaha laga fahmo xanuunkaan waxaa ugu horeeyo: lafta madaxa, lugaha, feeraha iyo kalagoysyada gacanta iyo lugta.

Dhakhtarka wuxuu lafaha qaar saari doonaa raajo si loo hubiyo xanuunkaan, maadaama lafaha lagu arko astaamo u gaar ah xanuunkaan.

Sidee loo daaweeyaa Gedef-ka?
Daawaynta ugu horrayso waa qaadashada fitamiin D-ga iyo kaalsiyamta iyadoo dhakhtarka kuu qiyaasi doono inta laga qaadanayo iyo muddada la qaadan doono.
Ogow naas nuujintu ka hortag uma ahan xanuunkaan, daawane uma noqon karto.

Caruurta uu xanuunka ku daahay, waxaa lagu sameeyaa qalliin lagu toosinayo lafaha qalqalloocday.

Haddii aad su'aal caafimaad ah qabtid iigu soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)