Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Maxamed Cumar on February 08, 2016, 12:29:47 PM

Title: Suaal: ku saabsan jinsiga?
Post by: Maxamed Cumar on February 08, 2016, 12:29:47 PM
Asc
salaan ka dib waxaan rabaa inaan suaal idin weydiiyo oo ah
waxaan wiil dhalinyaro ah shahwadiisuna ay sareyso mana lihi xaas aan ku yareyo shawada kacsan taas badalkeed waan siigeystaa bilo markaa sameynayey ayaan waxaan dareemay daal,kalsooni darro iyo isbedel aan horey u arkin..
waxaan isku dayay marar badan inaan joojiyo dhibaatada ay leedahay awgeed waxaana sameeyaa inaan soomo markaan Asbuuc aanan sameyn ayaan ku noqonaya  oo barteedii ka bilaabaya anigoo nacsan oo aan rabin lkn shaydaan ayaa iga awood bata marwalbo...
marka waxaan rabaa inaad ila talisaan oo aad igu caawisaan sidaan u joojin lahaa caadadan xun....
wabillaahi towfiiq
Title: Re: Suaal: ku saabsan jinsiga?
Post by: SomaliDoc on February 12, 2016, 08:21:40 PM
Waad ku mahadsan tahay talaabooyinka aad qaaday si aad u jartid caadadaan aad dareentay in ay dhib kuu keentay.
Waxaan kugula talin lahaa, haddii aad awoodid guurso, adigane alle ha kugu asturo, dhibkaane aad kaga nasatid.
Midda kale soonka waa ka hortag fiican ee ku dadaal, Talo intaa dhaafsiisan ee aan kuu hayo ma garanayo.
Si aad go'aan adag uga qaadato arrintaan, bal akhri dhibaatooyinka siigaysiga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2209.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2209.0.html)