Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Fatimaa on August 19, 2011, 12:19:38 AM

Title: Su'aal: Wadna garaac suxdin wato?
Post by: Fatimaa on August 19, 2011, 12:19:38 AM
asc,
waxan ugu horeyn salamaya dhaman dhaqatirta ku hawlan inay walalahod somaliyed ka cawiyan talo-siinta caafimaad,wana kumahadsanyihin.
hadan ugudbo suashayda waxa weye, waxan mudo laga jogo 6 sano isu arkay wadno garaac aad udaran kadibna aan lasuuxayo.marki igu horeysay o an isu arkayayay waxan kadib jogay 2 sano ano waxba isu arkin,
2das sana kadib ayan waxan bilabey in wadna garaci igu so laabto waliba an lasuxayo kadibna xumnaha i adkanayan.
markan an xanunka daremayo waxa ay iga bilabata anigo naxa waliba wax iska fudud sida in telkeyga uso dhawaqo ama an guux maqlo markas iyada ahna wax cabsi ah madaremayo lakin wadnaha si halhalel igaracma kadibna nefta igu adkata wana an miyirbeelaa!
waxyaabaha an markan miyir belo kadib isu arko waxa kamid ah:
1- waxan darema warer iyo tamar dari.
2-guux dhagaha ah.
3-inad donayo isla waqtigan so miyirsado kadib an helo hawo aad ubadan si an nafiso nefsigana igu fududato.
marka waxan dr.ado rali ka donaya inad isharaxdo waxa u cudurkayga noqon karo.
FG: dhawr jer oo an dhaqtar u tagey waxa u ishegay in uu yahay palpitation ama wadna garaac sababta anla aqon wuxuna i qoray kinin (amitrptyline) ladhaho waxna isagama anan kasin. mahadsanid. waxan ka cudurdaranaya qoralkeyga oo dheraday hana leyga rali noqdo.
THANKS.
Title: Re: Su'aal: Wadna garaac suxdin wato?
Post by: SomaliDoc on August 21, 2011, 02:25:12 PM
Wadna garaac iyo suuxdin isla socdo waxaa keeni karo dhowr waxyaabood oo a dagtahay in lagu kala sooco warbixin kaliya.
waxyaabah keeno waxaa ka mid ah:
- Cillad wadnaha taasoo iyada laftirkeeda dhowr nuuc noqon karto.
- Cillad qalal ama dhibaato xagga maskaxda ah.
- Cadaadiska dhiigga oo hoos u dhaca.
- Welwelka iyo naxdinta iyadane way keenaan.

Sidaa darteed xanuunkaan waa xanuun wax laga qaban karo haddii la ogaado cillada keentay sidaa awgeed waxan kugula talinayaa in aad la xiriirto takhtar kale oo cilmi u leh xaaladahaan oo kale

Haddii aad u baahantahay faahfaahin dheeraad ah halkaan ka waydii.
SomaliDoc