Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ali Muxsin on November 16, 2015, 01:22:46 PM

Title: Su'aal: Dilaqa Ilmaha?
Post by: Ali Muxsin on November 16, 2015, 01:22:46 PM
asc dhaqaatirta sharafta leh.salan iyo mahadnaq kadib.waxa jecelahay ina iga jahil bixisan.suaashaan sosocoto.
cunug 4bil jira aya waxa u leyahay dilaq ama diliq waxa looyaqano wa wax sida mataga camal oo la iigu sheegay iney normal tahay ilamaha una fiicantahay lkn wuxu dheeryahay kani aad ayuu u badanyahay mararka qaar waxa ku qiyasi karaa 5 daqiiqaba halmar inuu dilqo oo wiliba mararka qaar mataga kama yaro.mararka qaarne wuu ukala dheeryahay sida marka xooga usan naska lasiin iyo marka uu hurdayaba.
marka dilaqaas ma dhib ayuu u keenayaa canua mise faadido ayuu u ayahay waaka walwalay .
aad aya u mahadsantihin jawab wacan.
Title: Re: Su'aal: Dilaqa Ilmaha?
Post by: SomaliDoc on December 05, 2015, 12:36:05 PM
Diliqa dhib uma keeno cunuga hadduu sidiisa kale caafimaad qabo.
Waxyaabaha diliqa keeno waxaa ugu badan in hooyadu ay leedahay caano badan ama in cunuga waxqaadkiisa uu yar yahay, waana xaalad ay ilmaha ka koraan.
Hadduu cunuga uusan fuuqbax ka muuqanin oo uusan matag lahayn, oo naaskiisa qaadan karo, oo miisaankiisa kor u socdo wax dhib ah ma lahan.
Haka walwalin.