Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Samaale14 on May 15, 2013, 05:31:49 PM

Title: Toobida madaxa & samboorka
Post by: Samaale14 on May 15, 2013, 05:31:49 PM
 Asc
dhamaan akhyaarta sharafta leh ee somalidoc ka hawl gashaw marka hore waan idiin mahad naqayaa intaa kadib waxaan qabaa suaalo dhawrka ah
1.waxaan dareemaa madax  xanuun marka cirku daruuro yeesho waxaanay dadka elderska ahi i ii sheegeen in ay tahay doog (nabar laga yaabo yaraantaydii in uu igaga dhacay madaxa) markaa waxa la'igula taliyay in aan madaxa is ka tooboo, ee ka waran, wax dhibaato caafimaadka maleedahay. Haday leedahayna maxaad igula talin lahayd.
2.waxaan leeyahay cabudh mar marka qaarkood, markaan dhaska & waxyaabaha lamidka ah dareemana waa hindhisaa sidaa awgeed dr ka waran samboorka (dhiiga ay islaamaha waawayni sanka & afka kasoo daadiyaan) ayaa kuugu roon baa laigu yidhiye  waxsaamayn caafimaad ma leeyahay ,hadii awleeyahayna maxaad igula talin lahayd.
Title: Re: Toobida madaxa & samboorka
Post by: SomaliDoc on August 23, 2013, 12:49:59 PM
Samaale waxaan kugula talin lahaa in aad la xiriirto takhtar guud oo caafimaadkaaga kaa wareesto kuna baaro, inta aadan daawo dhaqameed isku fiirin laheed.