Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Bardacad33 on May 15, 2011, 10:10:19 AM

Title: Su'aal: Waxaan la kulmaa Indha Xanuun?
Post by: Bardacad33 on May 15, 2011, 10:10:19 AM
waad salaaman tihii mudanayaal su.aashayda hadaan ugud bo walaal waxaan ku shaqeyaa computer marka walaa mar mar ayaa waxaan la kul maa indha xanun
marka walaa dawadeeda iyo tala fiican?
Title: Re: Su'aal: Waxaan la kulmaa Indha Xanuun?
Post by: SomaliDoc on May 19, 2011, 08:02:02 PM
(http://somalidoc.com/Topics/shaashad.png)

Iftiinka shaashadda kumbuyuutarka wuxuu indhaha u geystaa dhibaato caafimaad khaasatan markii si joogto ah loo daawado, sidaa darteed waa in aadan indhaha ku taagin shaashadda kombuyuurtarka muddo dheer ama hoosta aan shaashadaha laga fadhiisan.
10-kii daqiiqaba waa in aad indhaha shaashadda ka weecisaa oo meel kale aad fiirisaa, mideeda kale waxaa habboon in aad shaashadda kumbuyuutarka iska xijisid "Screen Filter" oo loogu tala galay in iftiinka isha dhibayso uu ka yareeyo.

Waa in wajigaaga uu shaashadda u jiraa ugu yaraan 40 illaa 75 cm, waana in aadan 20 daqiiqo ka badan oo xiriir ah aadan shaashadda daawan, 20 daqiiqo ka dib, meelo kale fiiri si indhahaaga fursad u helaan iskuna saxaan.

Haddii aad indhaha sidaas aadan u ilaalin waxaa ku dhacaya cudur ka dhasho iftiinka shaashadaha khaasatan computer-ka loona yaqaanno "Computer Vision Syndrome" Waxaa calaamadaha cudurkaan ka mid ah: madax-xanuun, arag cawaran, qoor xanuun, indho gaduudasho, daal iyo wareer, indho-daal, indho-qalleel, indho-cuncun, weershe iyo in aadan si toos ah meel u fiiri karin.

Haddii aad cilladaan isku aragtay waa muhiim in aad muddo ka caaganaataa isticmaalka shaashadaha computer-ka, mobeelka, TV-ga, waana in aad dhakhtar la xiriirtaa si talo caafimaad laguu siiyo.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)