Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on August 23, 2015, 03:08:33 PM

Title: Si dabiici ah u daawee madax xanuunkaaga
Post by: SomaliDoc on August 23, 2015, 03:08:33 PM
(http://somalidoc.com/Topics/sanjabilmadax.png)

Dhibaatada Paracetamol iyo Panadol-ka
Paracetamol-ka waa daawada ugu badan dunida ee loo isticmaalo qandho jabinta iyo madax xanuunka.
Barashtimoolka "Paracetamol" wuxuu la mid yahay daawooyinka kale oo waxyeello caafimaad wuu leeyahay inkastoo ay yar tahay laakiin haddii la badsado wuxuu keenaa dhibaatooyin halis ah oo ay ka mid tahay inuu beerka dhaawac gaarsiiyo ama howlgab ka dhigo, qofkane u dhinto.

Sababta aand maanta Paracetamol-ka ugu hadlayo waxay tahay in dadka qaar ay aaminsan yihiin in uusan wax dhibaato lahayn sidaas darteedna joogto loo caadeestay in la qaato oo ay dhici karto in maalintii la qaato tiro aada u badan oo qofta naftiisa halis galin karto.

Waxaan rabaa in qof kasta uu rumeysan yahay in aysan jirin daawo aanan waxyeello lahayn "side effects" haba kala darnaadaanee, laakiin haddii daawada qadartii loogu talagalay in ka badan laga qaato dhib la hubo ayay keentaa.

Waxaa la hubaa haddii aad maalin gudaheed aad qaadatid in ka badan 4000 mg in beerka uu dhaawac gaarayo, taasoo u dhiganto 8 xabo oo kaniiniga 500 mg ah.
Sidaas darteed dad baa u isticmaala in daawadaan ay isku dilaan iyagoo ka liqa tiro badan.

Markasta ku dadaal in aad raacdo talada dhakhtarkaaga oo aadan naftaada halaajinin, haddii aad leedahay madax xanuun joogto ah ama xanuun kalaba la xirr dhakhtarkaaga si daawooyin kala duwan laguu siiyo, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan xanuun baabi'yiyaasha, waxa ay ku kala duwan yihiin, waxyeellada ay keenaan iyo waxa ay ka samaysan yihiin: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,773.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,773.0.html)

Waxyaabaha kale oo uu keeno paracetamoolka la badsado waxaa ka mid ah, wareer, kaadida oo yaraato, sokorta oo dhacdo, kilyaha oo dhaawacmo ama howlgabo iyo jirka oo sumoobo.

Hadduu qofka la kulmo dhibaatooyinkaas waa in si dhakhso ah lagu geeyo isbitaalka qeybta degdegga ah si looga dhaqo daawada, haddii 24 saac ka soo wareegato wax ka qabasho ma lahan.

Dhibaatada ugu badan ee loo isticmaalo paracetamol waa "madax xanuunka", halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan noocyada madax xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,298.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,298.0.html)

Si dabiici ah u daawee madax xanuunka
Waxaan rabaa labo talo oo la tijaabiyay oo faa'ido laga helay in aan halkaan ku sharxo oo madax xanuunka daawo u ah, kagana maarmi doontid kaniiniyada ad qaadan jirtay.


Ku dadaal in aad cunnooyinka dabiiciga ah ee daawada laga helo in aad ku dadaasho, annagane waxaan diyaar kuula nahay in aan wixii talo ah aan kaaga caawino arrintaas, haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah kuwa cusubma ku soo gudbi halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Si dabiici ah u daawee madax xanuunkaaga
Post by: CilmiSabca on August 23, 2015, 05:20:51 PM
Dhakhtar, saliid macsarada waa laba nooc. Mid waxaa lagu sameeyaa Makiinad (Makiinadda saliid Macsarada), mid waxaa lagu sameeyaa Awr (Awrka oo wareejiyo geed loogu talo galay). Haddaba, Dhakhtar, labada saliidood isku dha dhan ma ahan, isku midab ma ahan isku urna ma ahan. Tee ayaad bulshada kula talineysaa in ay door bidaan?
Title: Re: Si dabiici ah u daawee madax xanuunkaaga
Post by: SomaliDoc on August 26, 2015, 02:10:39 PM
Waxaa muhiim ah in macsarada ay saafi tahay oo aan saliid kale lagu labin, laakiin qaabka loo shiiday farqiga u dhaxeeyo iyo sida ay ku kala fiican yihiin ma garan karo (midna bir baa shiiday midne qori baa lagu shiiday, inkastoo la is dhihi karo midda birta lagu shiiday waa laga fiican yahay.
Allahu aclam...