Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Liza on October 30, 2018, 01:43:15 PM

Title: Su'aal: Malaga yaaba inan Uur leeyahay?
Post by: Liza on October 30, 2018, 01:43:15 PM
Salaamullah caleykum doctor wxn ahay gabadh xaas ah mudo sanad ah wali ilma ma helin ilaaahba baa baxshee ee im badan wn dadaalay awal wxa iga qaldanayd Ovulation day-ga aan ku aadanahay marki hore 14 days ayn modi jiray lkn wxn ogaaday gabadh wlba length period kedu inu ku xidhantahay Ovulation day-geeda, sida darteed wxn ku dadaalay malintas malmo ka hor iyo ka dib ba inan dadaal dheer u galo hada wali magaarin malintu cycle ka i imaan laha 5 days aya iga hadhay.


1. Wxn isku arkay kaadi badan malinki wxd moda inan normal keygi hore aan ahay lakiin habenki bay igu daran tayay dhor mar isku dhaw dhaw ban kaca waliba inay aad ihaysa moda sida ay i xanuunjineeso sidi qof dhoor saacadood meel bila suuli ah jogay isku celinayey oo marku guriga yimaado suuliga u dagdagayo o kale ban dareema.

2. Waxa kalo igu cusub aan dareemaya Breast ga oo i bararan size ahan sidu i aha wuka cusladay xoga, afka hore ee nipple ka oo itaagan xanuun damdasho ahna aan ka dareemaya.

3. Mida xigta jidhka oon ka dareemaya inu i kululaado ana modo inan qandhaysanahay o kale.


Marka xalku halka marayo wxn isaga shakiyey inu uur jidho baaritan ban sameeyey 2 Cisho ka hor oo serum ka ah negative baa tahay laygu yidhi intas wxi ka dambeeyey baa Breast-gana isi ziyaadaya.
Title: Re: Su'aal: Malaga yaaba inan Uur leeyahay?
Post by: SomaliDoc on March 19, 2019, 09:43:08 PM
Alle ha ku siiyo awlaad baariyaal ah. waad dadaalaysaa laakiin astaamaha aad sheegtay ma ahan wax uur u gaar ah, haweenka qaar ayaa isku arko astaamahaas caadada markay soo dhaw dahay waxaana loo yaqaanaa "Premenstrual Syndrome"... waana wax ka dhasha isbadalka hormoonada oo si degdeg ah u dhaca... taasi laftirkeeda waxay tilmaan u tahay in aad uur qaadi kartid, laakiin xilligaagii markii la gaaro waad qaadaysaa ee welwelka iska yareey sababtoo welwelka laftirkiisa wuxuu ka mid yahay waxyaabaha uurka soo daahiyo.