Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Maqaarka => Topic started by: SomaliDoc on December 23, 2010, 08:41:31 PM

Title: Xabuubka Maqaarka ee Molluscum Contagiosum
Post by: SomaliDoc on December 23, 2010, 08:41:31 PM
(http://www.safersex.co.za/images/molluscum-contagiosum-femal-face.jpg)Waa maxay xabuubka maqaarku?
Xabuubka maqaarku waa jirro uu keeno fayras.

Waa maxay calaamadaha xabuubka maqaarku?
Xabuubka maqaarku waxay u soo baxaan buurbuur yar oo maqaarka. Buurbuurkaasi waxay afka dhexe ku leeyihiin cadaan ama casuus yar. Qofku wuxu yeelan karaa dhawr xabo ama in badan.
Buurbuurkaasi waxay ku fidaan jirka intiisa kale marka la xoqo ee mee kalena la taabto. Bilaa daawo, buurbuurkaasi waxay ku baaba’aan dhawr bilood, inkasta oo ay qaadan karto ilaa 2 sanno.

Intee ayey gaarsiisan tahay ba’naanta xabuubka maqaarku?
Xabuubka maqaarka waa la is-qaadsiiyaa, laakiin shido ma leh. Buurbuurku wax raad ah ma reebaan.

Siduu qofku u qaadi karaa xabuubka maqaarka?
Qof wuxu sida badan ka qaadaa xabuubka maqaarka toos goob jiran qof kale. Tuwaalka ma shay kale oo uu isticmaalay qofka jiran ayuu ku fidaa fayrasku.
Intee in le’eg ayey ku qaadataa inuu qofku qaado xabuubka maqaarka kadib marka uu qofka la kulmo?
Buurbuurku waxay ku soo baxaan toddobaadyo ama bilo kadib markuu qofku la kulmo fayraska.

Goorma ayaa qofka qaba xabuubka maqaarku uu cid qaadsiin karaa?
Lama yaqaan intay qof ku qaadato inuu faafin karo xabuubka maqaarka, laakiin waxay noqon karta ilaa inta uu qofku leeyahay buurbuurka maqaarka.

Sideen u gargaari karaa kahortaga faafitaanka xabuubka maqaarka?
# Gacmaha si fiican u dhaq oo ku dhaq saabuun iyo biyo, gaar ahaan kadib taabashada buurbuurka.
# Nadiifi, dhaqdhaq, oo jeermiska ka sifee alaabta caruurtu ku ciyaarto ee xanaanada ilmaha.
# Ha la wadaagin tuwaalada, marooyinka, gogosha ama dharka aan dhaqnayn qof kale.
# Ku dhaq saabuun iyo biyo kulul wixii dhar, gogol iyo tuwaalo ee qofka qaba xabuubka maqaarka.
# Meelaha xabuubku ku yaal ku dabool dhar ama baandhayj inta la jooga xanaanada ilmaha.
#Cidiyaha gaabi (ku-jar guriga) si ay u yaraato faafitaanka xoqitaanku.

Maxay tahay daawada xabuubka maqaarka?
Raysashada cuncunka, bac yar oo baraf ku jiro mari meeshs. Ma jiro si loo dili karo fayraska keena xabuubka maqaarka, laakiin sida badan iyada ayaa iskiid isaga tagta. Buurbuurku wuxu takhtarku ku bin karaa qalliin ama daawooyin, haddii loo baahdo.

Haddii ilmahaygu qaado xabuubka maqaarka, inuu ka joogo miyaa iskuulka?
Maya, mar haddii aanu lahayn wax calaamada kale ah oo u baahan in laga saaro.

Haddii aad qabti su'aal ku saabsan qoraalkaan hoos ku weydii
SomaliDoc