Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Millaibrahim2016 on August 24, 2016, 10:34:41 PM

Title: Su'aal: Dhiiga sanka iga iman jiray ba dalqada iga imanaya?
Post by: Millaibrahim2016 on August 24, 2016, 10:34:41 PM
 Uur ayaan leyahay  ila malintan yeshay sanka aya dhiig iga imanayay intii hore dhib igumu hayn wax yar bu aha sanka ah lkn inti an 6bilod gaadhay markan seexdo ayuu dhiigi sanku afka iga imanaya o an dalqada ka tufaya candhuuf badana tufaya dhakhtardayda wn u shegay dawo la isku bufinayay isisay waxba igama tarayso hada dhibta ugu wayn ba iga haysta bishi 8dad ba isi dhamanaysa markan sexdo habenki wnso tosaya misan xinjiro dhiiga tufaya :'( sankiiba iga iman mayo afku iga imanaya dalqada dhakhtarkana uxu ileyahay birtadaa hosaysa kiniinka kordhiyan qaataa ano qadanaya cuntoyinka kordhiya cunaya ayay hoos usi dhacaysa waxasna waxan u malaynaya dhiigasi inu igu sababya fadlan i caawiya maxan sameeya :-(
Title: Re: Dhiiga sanka iga iman jiray ba dalqada iga imanaya
Post by: SomaliDoc on October 14, 2016, 07:07:30 PM
San-gororka waa wax la fisho xilliga uurka, laakiin joogto ma noqdo ama ma gaaro heer uu keeno dhiig-yari, sida ka muuqato su'aashaada birta dhiigaaga hoos ayay u sii socotaa adigoo weliba daawo qaadanaysid, sababtuna dhiiga aad u tufaysid waa isagoo dib kuugu laabtay oo afka ka yimid, waxayna sidaa dhacdaa markii cilladu ay tahay qeybta dambe ee sanka, waana sababta ay daawada buufiska wax kaaga tari la'dahay, fadlan la xiriir dhakhtar E.N.T ah si loo fiiriyo sankaaga gudahiisa, waxaa kaloo u baahnaan kartaa in la fiiriyo haddii ay jirto cillad xaga dhiiga xinjiroobista ku saabsan, waa muhiim baaritaankaas inta aadan foosha gaarin.

Fadlan hoos ka daawo cilladaha ay isku arkaan hooyooyinka uurka leh iyo waxa keeno:
https://www.youtube.com/watch?v=hrGt73avFX4 (https://www.youtube.com/watch?v=hrGt73avFX4)