Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Bardacad33 on November 15, 2011, 03:26:22 PM

Title: Su'aal: dhegta ayaa i dillaacday?
Post by: Bardacad33 on November 15, 2011, 03:26:22 PM
Walaal waan idin salamay dhamaan dhaqatiirta somaliyed salaan ka dib wala waxaan jiraa 25 sano kag ayaa i dilaacday anoo jira 10 ilaa iyo hada waay way igu sokac daa marka
waxan u tagay dhaqatiir badan waxaa la isoqoraa gojo dhago markaan in muda ah jogo oo aan tab tab to  oo ay i cuncun to ayaan ka dib waxaa bilabata malax marka
tala iga siiya walaal ama wax dawa aan qato
Title: Re: Su'aal: dhegta ayaa i dillaacday?
Post by: SomaliDoc on November 21, 2011, 09:57:10 PM
Hurgunka ama infekshanka bartamaha dhegta waxaa loo yaqaannaa Otitis Media.
Hurgunkaan waxaa sababa marka dheecaan ka yimid dhegtaadu uu meesha ku xannibmo.
Tani waxay dhici kartaa marka aad qabto hergeb, sanboor ama ifilo.
Dheecaanku wuxuu bakteeriyada u oggolaadaa iney kobocdo ayna cadaadis dul dhigto sagxadda dhegtaada.

Calaamadaha
• Xanuun
• Qandho
• Dheecaan soo burqada
• Maqal la’aan

Haddii dhegtu ay xanuun sanayd in muddo ah, waxay noqotaa hurgun raagay taasina daawenteeda waa dhib oo marka uu cuudrka cusub yahay ayaa la daaweyn karaa.
Markii xanuunka heerkaan gaaro waxaa laga cabsi qabaa in uu saameeyo maqalka, sidaa awgeed waxaan kugula talin lahaa in aad la xiriirto takhtar ku taqasusay dhagaha ENT specialist.
Daawenta heerkaan waxaa ka mid noqon karo qalliin.