Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Balqiisahaaji on December 12, 2015, 08:21:02 PM

Title: Su'aal: Canug raba naaska kaliya hadane uusan ku filnayn?
Post by: Balqiisahaaji on December 12, 2015, 08:21:02 PM
asc dr sharafta lahow dhamasn inta wax ku qorta waad mahad santihiiin sida aad dadka ugu faidaysan  waxaan jeclan lahaa in aan so gudbiyo suaal lahayga 1 waxaa ii joogta gabar jirta 2bo bilood iyo bar tan iyo markay dhalaty way shubantaa dhib ma ukeena koritaan keeda  2naas bis bay nuugtaa dr mana caano badni marka  sidaan is leeyahay kuma filna caanihii kalana  waa diiday maxaan ugu badali karaa caanaha 3 maalmahan danbe waan ku arkaa madaxo kulul naaska markan siiyo waa qabooba wax yar kadib waa kululan maxaa sababa dr gabadha waa 4kiilo insha allah waxan rajaynaa in suaalaha aad fahmi doontan iigana so jawabi doontan waana ku mahad santihiiin fursada aad na siisaan mar walba
Title: Re: Su'aal: Canug raba naaska kaliya hadane uusan ku filnayn?
Post by: SomaliDoc on December 12, 2015, 08:44:47 PM
Waa muhiim in la ogaado marka hore waxa shubanka joogtada keenay.
Waxaa dhici karto in caanaha aad siisid ay ku qabto allerji sidaas daraateedne ay u diidayso caanaha una shubmayso.
Midda kale waxaa dhici karto in xanuun jiro sida infekshan oo kale maadaama aad tilmaantay inay kulushahay oo naaska ay ku qabowdo.
Sidaas awgeed waa muhiim in aad u fiirsatid in cunuga uu shubmo maalintii aad siisid caanaha iyo in aysan xiriir la lahayn.
Haddii aad dareensan tahay in caanaha ay dhibsanayso waa in loogu badalaa caano laga saaray maadada lactose-ka oo ilmaha allerji ku noqdaan.
Haddii aysan xiriir la lahayn arrintaas waa in aad dhakhtar caruur la xiriirtaa si loo baaro ilmaha oo la ogaado waxa jira.

Caafimaad baan kuu rajaynayaa adiga iyo caruurtaada.
Title: Re: Su'aal: Canug raba naaska kaliya hadane uusan ku filnayn?
Post by: Balqiisahaaji on December 12, 2015, 09:43:02 PM
markan caanaha siiyo iyo markan siin waa isku mid caanaha oo way shumee oo shuban bdn maaha oo fuuq bax ah xitaa biyo marabto dr wax kale oon naaska ugu badin karo majiran madaam uu san ku filnayn  mida kale 2bo bil iyo bar canug jira 4kiilo normal miyaa
Title: Re: Su'aal: Canug raba naaska kaliya hadane uusan ku filnayn?
Post by: SomaliDoc on December 18, 2015, 07:32:36 PM
Taasi waxay iila egtahay arrin dabiici, miisaankeeuna waa ok, waxaa la filayaa in bishiiba 1 kiilo ku darsanto cunuga illaa lex bilood laga gaarayo, intaa ka dib waxaa la rabaa nus kiilo illaa hal sano laga gaarayo.
Waxyaabaha aad ku badin karto caanaha horay ayaan uga hadalnay ee halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5931.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5931.0.html)
Waxaad kaloo akhrisataa qoraal kale oo muhiim ah oo ka hadlayo sida saxda ah ee la rabo in nuunahaaga aad u nuujisid: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,409.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,409.0.html)
Waxaa kaloo akhrisan kartaa waxyaabaha keeni karo in caanaha hooyadu ku yaraadaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5596.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5596.0.html)

Haddii aad su'aal kale qabtid noo soo gudbi.