Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mgargar on January 07, 2017, 03:30:11 PM

Title: Su'aal: Buro naaska ah?
Post by: Mgargar on January 07, 2017, 03:30:11 PM
asc mudanayaal ilaahay ha idin  garab ahaadee waad ku mahadsantihiin baraarujinta iyo kaalmaynta shuruud la  aanta ah ee bulshada soomaaliyeed u haysaan mudanayaal waxaa iga su aal ah xaaskayga  ayaan ilaa 7 sano  buro yar oo la dareemayo marka naaska la taabto ku taalaa dushana  way usoo baxsantahay gudahana inay kusoo jirto waad  arkaysaa  waa buro sifiican loo taaban karo lkn ma wayna  waana daawaday muuqaalka vedio ga ah ee aad soo dhigteen sidoo kale waa aqristay hal cashar oo aad ka qorteen  kansarka  naasaha  hadaba buradaasi maxay  noqon kartaa?
buro kastaa ma kansarbaa ?
buradaas iminka waxay ka dareentaa xoogaa xanuun ah lkn wax is badalah  naaska kuma keenin maxaa  talo ah ?
dhaqtar aqoon u leh xanuunkan maxaan ku ogaan karaa  maadaama oo soomaaliya dadku iska sheegtaan aqoon aanay lahayn ?
haddiise  buradaa in laga bixiyo naaskasema ku talin lahaydeen ?
mahadsanidiin ilaahay ha idin waafajiyo  markasta xaqqa iyo xusuustiisa.
Title: Re: Su'aal: Buro naaska ah?
Post by: SomaliDoc on April 04, 2017, 03:15:53 PM
Burooyinka ugu badan ee naaska ka soo baxo ma ahan kansar, waxaana lagu kala ogaan karaa muuqaalka iyo taabashada burada iyo iyadoo la saaro aaladda kumubyuutarka sida Mammogram, Ultrasound ama CT Scan.

Waxaan horay uga hadalnay cashar ku saabsan astaamaha lagu kala garto burooyinka naasaha ka soo baxo iyo xilliyada la isku arko ee halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2224.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2224.0)