Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on November 25, 2016, 02:19:44 PM

Title: Cudurka Whatsapp-ka Iyo Sida Loo Daaweeyo.
Post by: SomaliDoc on November 25, 2016, 02:19:44 PM
(http://somalidoc.com/Topics/whatsapp.png)

Bismillah,

Tiknolojiyada iyo hurumarka inkastoo faa'idooyin badan ku jiraan laakiin khasaaro iyo xanuuno ayaa la socda.

Wixii abuurka iyo awoodda jirka bini'aadanka khalkhal gelin karo, waxaa laga qaadaa cudur.

Adeegsiga xad ka baxa ah ee loo isticmaalo aaladaha teknolojiyada sida Facebook-ga iyo Whatsapp-ga waxaa la socdo dhibaatooyin caafimaadka u daran.

Waxaan horay uga soo hadalnay xanuun loo bixiyay ku walfidda Facebook-ga oo aad halkaan ka daalacan kartid: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7268.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7268.0)

Maanta waa cudur laga qaado isticmaalka khaldan ee Whatsapp-ka, waxayna dhakhaatiirta u bixiyeen "Whatsappitis", waa xanuun suulasha ku dhaco, taasoo keenayso barar iyo hur galo kalagosyka gacanta iyo suulka.

Qofkii ugu horeeyay oo xanuunkaan lagu sheego wuxuu ahaa qof u dhashay dalka Spain, sanadkii 2014, laakiin hadda dunida aad ayuu ugu soo badanayaa.

Waxyaabaha lagu garto xanuunkaan waxaa ka mid ah in suulasha ku xanuunaan, bararaan, hilibka suulka uu ku daqnado iyo gacanta oo ku kabaabyooto ama ku gororto, farriin diridda mobeelka oo dhib kugu noqdo, waxay cilladaan ku dhacdaa dadka aad u adeegsada Whatsapp-ka, maalintii 6-saacadood iyo wixii ka badan oo xiriir ah.

Waxa kaliya ee lagu daaweyn karo xanuunkaan waa in aad joojisaa adeegsiga aaladaha farriimaha lagu diro sida Whatsapp-ka, Viper-ka iyo wixii la mid ah inta gacantaada ay dabiici ku soo laabanayso.

Bini'aadanka xad ayuu leeyahay, wixii xadkiisa ka bixiyo dhibaato ayay ku yihiin, fadlan ka taxaddar wixii jirkaaga dhibaato ku hayo.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)