Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Liibaanlove on January 14, 2012, 12:38:02 PM

Title: Su'aal: Mindhicir xanuun maxa keena?
Post by: Liibaanlove on January 14, 2012, 12:38:02 PM
Asalamu calaykum walaalayaal, magaceyga waa liibaan cali maxamed, waxaan ku noolahay wadanka somali


waxaa baryahan dambe ku arkay xaaska aan qabo xanuuno ah mindhicir xanuun, dhabar xanuun iyo labolabo waxay ii sheegtaa
marwalbo in ay wax ka dareento mindhicirada hoose waxayna ku bilaawdeen marki ay dhashay horay waxay sheegan jirtay dhabarka
laakin hada waxay dhahdaa wax ayaa hoostaan iga tagan wxay marka qaar idhahdaa waa wax aan u maleyey wax inay yihiin dhiig igu soo haray
isbitaalna ma ugeyn wali marka maxay noqon karaan waxaas mahadsanidii.
Title: Re: Su'aal: Mindhicir xanuun maxa keena?
Post by: CilmiSabca on January 17, 2012, 07:30:24 AM
Liibaan, markii ay dhashay xaasku ka dib dhalmada ma la wada hubiyey wixii dhalmada soo raaci jiray?
Daawooyinkii dhalmada ka dib la qoray maxay ahaayeen si waafaqsan ma u isticmaashey xaasku? Halka ay wax ka qaldameen dhalmada ka dib, haddii aydun garaneysaan u soo faahfaahi Dhakhtarka, iyo goortii ay dhashay, da'da xaaska, iyo hadday jirtay xaalad caafimaad mudadii uurka...  Sidoo kale, Nooca dhabar xanuunka iyo siduu awal ku yimid, markaa ayuu Dhakhtarku jwb dhag kuu dhiibayaa Insha Allaah, xaaska-na Allaha Caafiyo.