Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jaamac2020 on June 11, 2016, 01:39:27 AM

Title: Su'aal: Faidooyinka laga helo Filfisha?
Post by: Jaamac2020 on June 11, 2016, 01:39:27 AM
Markahore waan idin salaamaya waxaan dhakhtarka wediinayaa dhir badan baad kahadasheen Faidooyinka laahelo waxaan idinwediinaya Filfisha wax faido ah bini adamka ma uleetahay inkastoo isticmalkeeda an jecleen lkn dadku Maraqa iyo Shahay kudaraan
Title: Re: Su'aal: Faidooyinka laga helo Filfisha?
Post by: SomaliDoc on July 04, 2016, 04:46:01 PM
(http://somalidoc.com/Topics/filfil.png)

Bismillah..

Waa geed daaweed faa'ido leh oo dalkeena laga helo, waa Filfisha.

Filfishu waa miraha geedka loo yaqaano "Black pepper", cunanda ayaa lagu darsadaa, daawo ahaane waa loo isticmaalaa.

Asal ahaan waxay ka soo jeedaa dalka India, weliba gobolalda konfureed.

Filfisha waxyaabo badan ayaa loo adeegsadaa, sida in cunanda lagu xifdiyo maadaama jeermiska cunanda ku dhasho ay dhisho, waxaa kaloo lagu carfiyaa cunnada, dhadhanne loogu yeelaa, waxaa ku jiro waxyaabo nafaqo leh sida maadooyinka Manganese, Vitamin K, Birta iyo Macdanta Bootaasiyamta, Waxay kaloo yaraysaa hurka "Inflammation"-ka ku dhaco jirka.

Faa'idooyinka Caafimaad ee Filfisha:

Qoraalo xiriir la leh
Basbaaska: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6606.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6606.0)
Sanjabiilka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6530.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6530.0)
Dhaga-yaraha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5320.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5320.0)
Toonta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6717.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6717.0)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)