Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abuurayaan on March 28, 2015, 01:01:13 PM

Title: Su'aal: Xanuun Kala-goysyada Lafaha?
Post by: Abuurayaan on March 28, 2015, 01:01:13 PM
Asc

Waan idinku mahad cilinayaa sidaa u dhan tihiin oo aad waqtigiina qaaliga aad noogu faa  iidaysaan   dhamaan aqoon yahananda iyo dhakhaartiirta isku howlay inay aqoontooda umada u faa iideeyaan   :-[

Intaa ka bacdi
Mudoo yinkaan danbe waxaan isku arkay xanuun
1-xaga kala gysyada ah sida keesaha Jilibaha khaasatan kan u dhaxeeya laba jilib Mar mar markaan damco inaa istaago waxaan dareemayaa xanuun oo waxaa is taabanay sida wax i mudaya waana la hititya ama aan la jiiso ,sidoo kale maantoo dhan lafahayga waa ay jucsamayaan sida faraha , qoorta,
 2- waxaa kaloo isku sii arkay Dhex bartan dhabarka mararka qaar ay istaabanayaa lafaha oo aan xanuun ka dareemayo ,waxaan u tagay Dhakhtar waxuu iku dhahaa waa murqaha ,boomaatoo ii soo qoray ,lkn wali waa sidi

3- Waxaa kaloo Jirta hadii aan seexan waqtigii aan seexan Jiray In aan xanuun ka dareemayo dhanka naaska bidix ee wadnaha oo waxa ika fuulaya  culees isaa ran ilaa meesha garabka ka hooseeso

Maxaa keeni karo?

Maxaan xal u ah?

Aad iyo aad baad umahad san tidiin.
Title: Re: Su'aal: Xanuun Kala-goysyada Lafaha?
Post by: SomaliDoc on March 30, 2015, 05:30:51 PM
(http://somalidoc.com/Topics/kalagoys.png)

Xanuun aad ka dareento kalagoysyada ma ahan wax murqaha la xiriiro haddii aad leedahay shanqar, xanuun daqnasho leh markaa dhaqaaqdo ama kalagoyska aad dhaqdhaqaajiso, waxaana keeni karo xanuun kalagoyska noocuu rabo ha noqdo, ama cillad lafaha, seedaha ama ruugagga ah.

Xanuun roomaatiisam ama riix ah ama cillad dhareerka kala goyska ku jiro.

Lafo beel ama maadada kalsiyamta ama fitamiin d-ga oo ku gu yar.

Sidaa darteed waxaad u baahan tahay in lagugu sameeyo baaritaano lagu kala hubsanaayo xanuunadaas.

Halkaan ka akhriso qoraallo ku saabsan jilba xanuunka iyo kla goysyada, si aad fikrad uga qaadato.
1- RIIXA: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2190.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2190.0.html)
2- XUBNO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,403.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,403.0.html)
3- JILBO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3654.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3654.0.html)
4- FIBROMYALIGA: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2543.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2543.0.html)
5- DHABAR-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,588.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,588.0.html)
6- LAFOBEEL: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2132.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2132.0.html)
7- MURQO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1436.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1436.0.html)

Midda ku saabsan xanuunka naaska bidix, ma markaa jiifsatid ayaa dareemaysaa mise adigoo fadhiya xitaa haddii la dhaafo xilligii hurdada? Hurdo miyaa ku hayso mise waad soo jeedaa marka lagu qabanayo? Miisaankaaga ma culus yahay? Dhiig kar? Kolestarool ama xanuun thyroid miyaa qabtaa? mise lagaa baaray dhawaantaan?

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Xanuun Kala-goysyada Lafaha?
Post by: Abuurayaan on April 01, 2015, 01:29:27 PM
mahad sanid walal

WALAL WAXAAN DAREEMAA OO KALIYA MARKAAN FADHIYO AMA AAN SOO JEEDO waxaa  kaloo kaliya dareema inta badan markii aan si fiican u seexan aan dhafro , mararka qaar markii aan rabo inaa neefsado waxaa waxbaa i taabanayo dhanka wadnaha ah
marka
CULEESKAYGU WAA INTA u dhaxaysa 68 ilaa 73 da daydu waa 22 jir

Dhiig kar  ma qabi

lkn ku waan ma ogi  thyroid/Kolestarool

mudaa aad u cuni jiray ukunta

aniga waxaan ahay araday inta badan waan dhafraa , markaa dhakhatar jaamcada u tago waxaa uu i dhahaa waa murqaha (wuxuu ii soo qoray (DEEP RUP ointment) masaajo

jaza ka llahu khayral jazaa

Title: Re: Su'aal: Xanuun Kala-goysyada Lafaha?
Post by: SomaliDoc on April 02, 2015, 04:00:30 PM
Waxaan kugula talin lahaa in aad wadnaha iska baarto, maxaa yeelay calaamadaha aad dareemayso wadna xanuunka way la xiriiri karaan sida: daalka, tabardarrida, wadnaha oo ku xanuunayo, dhinaca bidix oo aadan u seexan karin, neefsashada oo ku dhibayso markaa daalan tahay ama aad dhafartid.

Wixii baaritaanadaada ka soo baxo waad nala socodsiin kartaa.