Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mo Digdig on September 11, 2015, 05:25:39 PM

Title: Su'aal: Maxaa keena lafaha garbaha inay laf fiiqan yeeshaan?
Post by: Mo Digdig on September 11, 2015, 05:25:39 PM
Maxaa keena lafaha garbaha xaga sare oo laf dhabarta ka galaan inay laf fiiqan yeeshaan
Title: Re: Su'aal: Maxaa keena lafaha garbaha inay laf fiiqan yeeshaan?
Post by: SomaliDoc on September 13, 2015, 01:14:58 PM
Sida caadiga ah lafta garabka ee dhabarka qeybta kore ka muuqato waxay soo muuqataa dadka caatada ah ama miisaankoodu uu hooseyso, waana labada dhinac ayaa soo muuqdo laakiin shaqada gacmaha iyo garabka wax dhib ah lagama dareemo.
Laakiin waxaa jira xanuun ku dhaca neerfaha quudiyo murqaha laftaas jirka ku hayo, taasina waxay keentaa lafta inay banaanka u soo baxdo oo soo fiiqanto, waxaana cilladaas loo yaqaanaa "winged scapula", laakiin badanaa hal dhinac ayaa saas noqdo oo labada dhinac ma ahan sida ka muuqato sawirkaan.
(http://2.bp.blogspot.com/-s6Whuuupa54/UdL5l8jFNBI/AAAAAAAABFM/VSix26qaEbc/s241/scapularwing.jpg)
Haddii aad is leedahay cilladaan ayaa ku haysato waxaad ku dareemi kartaa in gacanta garabkaas xigto aadan wax ku riixi karin ama ku soo jiidi karin ama wax culus gacanta kor ugu qaadi karin.
Haddii intaasba isku aragta la xiriir dhakhtar lafaha ku taqasusay.
Title: Re: Su'aal: Maxaa keena lafaha garbaha inay laf fiiqan yeeshaan?
Post by: Mo Digdig on September 13, 2015, 08:22:42 PM
Dear Dr, sida sawirka ka muuqata, maaha aniga su'aasheydu , qeybta sare ee garabka waaye. Meesha lafta garabka ka soo bilaabato, markii loo raaco dhanka luqunta xaga dhabarka oo carjowdu kasoo bilaabato weeye. Wax xanuun ah iguma hayso, kumana dhalan waxaan dareemay 2005. Waan soo sawiri lahaa lkn magaranayo meesha lagu soo diro sawirka. Hadii aad fahamtay meesha aan ula jeedo fadlan igu caawi aqoontaada. Mahdsnid
Title: Re: Su'aal: Maxaa keena lafaha garbaha inay laf fiiqan yeeshaan?
Post by: SomaliDoc on September 16, 2015, 01:29:50 PM
Mo digdig, sawirka noogu soo dir bogeena facebooka, adigoo raaciyo link-ga sare ee su'aashaadu leedahay, markaa soo dirtidne halkaan ku post gareey in aad sawirada soo dirtay si lagaaga jawaabo.