Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Somali_Nabad on April 01, 2011, 10:42:34 AM

Title: Su'aal: Waa maxay Thyroid? Hypothyroidism? Thyrotoxicosis?
Post by: Somali_Nabad on April 01, 2011, 10:42:34 AM
asc walaal salaan ka bacdi waxaad ii sheegtaan ama macluumaad dheeri ah iga siisaan "thyroid-ka"
waa maxay thyroid?

maxay ku kula gedisanyihiin
labadan xanuun ee kala ah:
1.hypothyroidism
2.thyrotoxocosis?

walaal idinka oo aad u mahadsan iisoo faahfaahiya labadaas xanuun waxay ku kala duwan yihiin iyo calaamadaha lagu kala garto,
waxaad kale oo ii sharaxdaan labada dawo ee kala ah:
Carbimazole 5mg iyo thyroxine 100/50mcg
maxay ku kala gedisanyihiin sidayse u kala leeyihiin labada xanuun ee aan kor kusoo xusay?

waad mahadsan tihiin walaal khayr baan inoo rajaynayaa dhamaanteen meelkasta oo aynu joogno
Title: Re: Su'aal: Waa maxay Thyroid? Hypothyroidism? Thyrotoxicosis?
Post by: SomaliDoc on April 02, 2011, 07:03:03 PM
Qoraalkaan akhriso si aad fikrad uga qaadato waxa qanjirka toroodhka uu yahay iyo kacsanaantiisaba?

http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1443.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1443.0.html)

Howlgabka qnajirka toroodhka macnihiisu waa in heerka hormoonka toroodh ee "Thyroxine" uu hoos u dhacay. taasoo keento calaamado dhowr ah oo ay ugu horreyso: tabardarri, misaanka oo kordha, saxaro adeeg, murqo xanuun, maqaar qalleyl, timo danbas iyo dareemis qabow.
Daawadu waa mid fudud oo ah in la qaato kaniini badala hormoonka maqan, daawadaas oo loo yaqaanno "thyroxine" oo hal kaniini la qaato maalin kasto si joogto ah.
Daawadaan safiican ayay wax u tartaa calaamadaha oo idilne way qarsoomaan.

Daawada Carbimazole waxaa lagu daaweeyaa kacsanaanta qanjirka toroodhka (Hyperthyroidism/Thyrotoxicosis).
Daawada thyroxine waxaa lagu daaweeyaa howlgabidda qanjirka toroodhka (Hypothyroidism).

Labada daawo waxba iskuma galin, isku shaqane maahan.
Title: Re: Su'aal: Waa maxay Thyroid? Hypothyroidism? Thyrotoxicosis?
Post by: Somali_Nabad on April 08, 2011, 10:11:24 AM
waad mahadsan tihiin walaal illaahay waxaan idiinka rajaynayaa inuu idiinku naxariisto sida wanaagsan ee aad bulshada somaliyeed ugu dedaalaysaan,
idinka oo cilmigiinii iyo wakhtigiiniiba ku bixiyey inaad bulshadiina somaliyeed u adeegtaan, walaal khayr baan idiin rajaynayaa somalidoctors meelkasta oo aad joogtaan.