Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hassan Bile on April 03, 2011, 06:42:51 PM

Title: Su'aal: Daawooyinka tinta madoobeeya ama jilciya ciladooda
Post by: Hassan Bile on April 03, 2011, 06:42:51 PM
Ditore waxaa dhacdey waqti haatan laga joogo dhowr sano wiil aan saaxiibo nahay ayaa marsadey daawooyinka tinta madobeeya intii  ay daawada u marsaneed ayuu qol kuleel ah ku qayiley aad ayuu u dhididey waqti badan oo ka badan waqtigii loogu talo galayna wey u marsaneed ilaa dhowr saacadood, ka dib wiilkii maalintaas wixii ka dambeeyey aad ayuu u xanuunsadey qanjirada dhuunta dhan wey barareen madax xanuun daran ilaa miirbeel ayuu gaarey nairobi ayaa loola cararey waxaana laga soo sheegey in white blood cells kiisa ay eber yihiin week gudahiisna waa ku dhintey.

ilaa hadda ma kala cadda in ay geeridiisa ay sabab u aheed daawada ama cillad kale ay tahay

hadaba waxaan rabaa inaan ogaado daawooyinkaan tinta lagu madobeeyo ama lagu jilciyo dhibka ka imaankara

mahadsanid
Title: Re: Daawooyinka tinta madoobeeya ama jilciya ciladooda
Post by: SomaliDoc on April 04, 2011, 07:08:33 PM
Walxaha loo isticmaalo in tinta lagu midabeeyo oo ay ka mid tahay daawo madoobeysada waxay leeyihiin dhibaatooyin badan oo qaarkood qofka haddii ay haleelaan u dhiman karo.

Daawo madoobeysada waxa ka samaysantahay walxo kiimiko ah.

Dhibaatooyinka fudufudud waxaa ka mid ah:

1- Xajiin iyo cuncun korka ah, xajiintaan oo heerar kale leh qaar cuncun kaliya ah iyo qaar qofku la bararo oo naqaska ku dhagi karo.

2- Tinta oo jajabato ama baab'ado taasoo daawadeedu tahay in tinta la xiiro oo la sugu tin cusub haddii aysanba dilin unugyada tinta soo saaro.

3- Maqaarka basada ama midka tinta ku hareereysan oo is badalo.

Dhibaatooyinka halista ah oo u dhiman karo qofka ayaa ka mid ah:

1- Ku sumoobidda maadada rasasta oo laga helo daawo madoobeysada. middaan oo ah sun halis ah

2- In ay keento kansarada ku dhaco dhiigga sida leukemia, lymphoma iyo multiple myeloma.

3- Daawooyinka lagu midabeeyo tinta qaar waxaa la arkay in ay ku jirto maaddo la hubo in ay kansarka keento oo lagu magacaabo "4-aminobiphenyl (4-ABP).

Haddii aan u soo laabto sheekada saaxiibkaa waxay u badantahay in uu u dhintay cudurka "Leukemia" oo ah kansarka unugyada cadcad ee dhiigga ama cudurka "Lymphoma" oo ah kansarka unguyada qanjirka ee dhigga oo calaamadahiisa ugu horeeyo ay yihiin in qanjirrada ay bararaan.