Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Muhaa on October 13, 2011, 12:54:41 PM

Title: SU'AAL: LUGO XANUUN. Qaas ahan lafa lugaha inta ka hoseyso jilbaha !
Post by: Muhaa on October 13, 2011, 12:54:41 PM
ASC W W. SALAANTA ISLAAMKA KA DIB WAXAN IDINKA MAHAD CELINAA SIDA WANAGSAN EE UMADA SOMALIYEED UGA SO JAWABTIIN ILLAHEYNE HA IDINKA JASAISIYO intaas ka dib walalayaal hadii ka hadlo xanunkeyga waxaa dhib iga hayaa labada lugood qaas ahaan inta ka hooseyso jilbaha iyo inta ka koreyso hanqawga markii taabto waa idamqanaan markii aan ordo ama almiiteeyo waa i xanuunaan da'deyduna waa 22 years  mida kale waxan isku arkay biloyinkaan qooro cuncun  fadlan sida ugu dhaqsaha badan iigu soo jawabo idinkoo mahadsan asc ww  alla mahad leh  
Title: Re: SU'AAL: LUGO XANUUN. Qaas ahan lafa lugaha inta ka hoseyso jilbaha !
Post by: SomaliDoc on October 16, 2011, 01:25:36 AM
Ma maqaarka kore ayaa ku daqnanaayo oo dharka wuu ku dhibaa sida jiiniska oo kale? mise murqaha waaye oo markaa tuutuujisid ayay ku xanuunayaan?
Miisaankaaaga iyo da'daada ma isku qalbaa mise waad cayilantahay?
Jug horay kaa gaartay lugaha ma jiraan? xanuun aad ka dareemeyso lafta dhuxua gudahiisa ma jiraa?
Barar ama midabka oo is badalay ma ka dareemaysaa shaanshada?

Fadlan ka soo jawaab su'aalahaas adigoo mahadsan?
Title: SU'AAL: LUGO XANUUN. Qaas ahan lafa lugaha inta ka hoseyso jilbaha!
Post by: Muhaa on October 17, 2011, 11:59:52 AM
Thanks    Jawabaha su'lihii hore .
1 maqaarka ima damqanyo !    
2 murqahane waa ka cafimaad qabaa !.        
3 waxan ahay wiil da'deydu 22 yrs misaankeygune waa 62.  Mana cayilni xaato xigeen aya ahay,  waana dherahay !
4 jug horey iiga gaartay ma jirto doctor!                                  
5 xanuun kama dareemaayi dhuuxa !.
6 barar aan daremayo ma jiro walaal ! balse hadii aan faahfaahiyo ugu yaraan sanad iyo lix bilood ayaa dareemaa xanunka ! Meesha iigu daran oo xanuun ka deraamaa waa lafta inta  (hanqowga) shan farood camal ka koreyso dictore  xogaa lafo jileec ah aya isks daremaa walaal xanuunkaan markasta ma dareemi .ee waxaan daremaa markan ordo amaba u fadhiisto fadhiga loo yaqaano (murabaca) oo labada lugood is dulsaaro iyago laaban. only !                  
waaa mahadsantihiin somalidoc              
bye MUHAA hanad
Title: Re: SU'AAL: LUGO XANUUN. Qaas ahan lafa lugaha inta ka hoseyso jilbaha !
Post by: SomaliDoc on November 01, 2011, 09:57:27 PM
Sida laga dareemayo jawaabahaaga, xanuunka aad dareemeyso waa mid ka socdo lafaha, tanoo noqon karto midka aad ka dhawaajisay oo ah lafo jileeca ama waxa loo yaqaanno Lafo-beelka "Osteoporosis".

Xanuunkaan wuxuu imaan karaa markii lafahaaga ay ku yaryihiin macaadinta u baahanayahay ee muhiimka ah sida Fitamiin D-ga iyo Kalsiyamka.

Warbixin ku saabsan xanuunkaan, halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2132.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2132.0.html)